Muqdisho (Caasimada Online) – Muuse Suudi Yalaxow, oo si weyn looga yaqaan Soomaaliya ayaa dadaal dheeraad ah ku bixinaya kamid noqoshada xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.
Muuse Suudi, oo maalmahaan ku sugan magaalada Jowhar ayaa qeyb ka qaatan dhameynta khilaafkii ka dhashay shirka maamulka HirShabeele ee ka socdo magaalada Jowhar.
Muddooyinkii ugu dambeeyay wuxuu ku sugnaa magaalada Jowhar, wuxuuna doonayaa inuu Shabeelaha Dhexe kasoo galaa baarlamaanka Soomaaliya gaar ahaan aqalka sare.
Wuxuu magaalada Jowhar kulamo kula qaatay wasiirka arimaha gudaha, gudoomiyaha baarlamaanka HirShabeele, gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe iyo waxgaradka gobolka.
Muuse Suudi oo la hadlay Caasimada Online ayaa si kooban u sheegay inuu dadaal ku bixinayo kamid noqoshada aqalka sare ee dalka, maadaama loo baahan yahay isbadal dhaca, sida uu sheegay.
Waxaa jiro xubno kale oo doonaya iney kamid noqdaan aqalka sare ee baarlamaanka oo iyagana ku sugan magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]