Xog: Ololaha Sheekh Shariif oo u muuqda mid sii wiiqmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno ku dhow dhow Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegaya in ololaha Shariif Sheekh Axmed ee madaxweynaha uu mugdi sii galayo.

Shariifka ayaa xog aan helnay waxa ay sheegeysaa inuu kusoo biyo shubtay laba arrin.

Wararku waxa ay sheegayaan in Sheekh Shariif uu ka dhamaan la’ yahay Lafta Beesha Abgaal ee uu kasoo jeedo iyo Xubnaha Aalla Sheekh ka jooga Somalia, kuwaasi oo badi aan qeyb ka aheyn dhinacyada wax dooranaaya iyo kuwa la dooranaayo.

Waxa ay wararku intaa kusii darayaan in Sheekh Shariif uu wakhtigiisa siiyay Asxaabtiisa, waxaana soo baxeysa warar sheegaya inay lasoo deristay dhaqaale yari kadib markii ay kusoo baxeen waxyaabo uusan fileynin oo fashilinkara ka mid noqoshadiisa doorashada.

Sidoo kale, waxaa soo baxaaya warar sheegaya in dhaqaalaha uu iminka heysto Sheekh Shariif aysan ku filneyn inuu kaga baxo ololaha uu hadda ku jiro waxa ayna taasi u horseeday fashil muuqda oo soo foodsaara qorshihiisa Siyaasadeed.

Fashilada soo ifbaxaaya ee lasoo derisay Sheekh Shariif ayaa waxaa walaac ka muujiyay qaar kamid ah Taageeradiisa.

Ma cadda waxa uu noqon doono masiirka Siyaasadeed ee Sheekh Shariif marba haddii ay soo foodsaartay caqabado dhanka dhaqaalaha iyo Siyaasad yari ku xeeran labada garab ee uu kusoo gabagabeeyay ololihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com