Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose kula kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Kenya kuwaasi oo tagay magaalada Kismaayo.
Xildhibaanada uu la kulmay Axmed Madoobe ayaa ka socday gudiga difaaca baarlamaanka ee dalka Kenya, kuwaasi oo tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Axmed Madoobe iyo xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa ka wadahadlay arimo ay kamid yihiin howlgalka ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya iyo dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya.
Xildhibaanada baarlamaanka Kenya ayaa waxay Axmed Madoobe u gudbiyeen go’aanka rasmiga ee dowlada Kenya ku xireyso xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya, lana doonayo in deegaanada Jubbooyinka lagu soo dhaweeyaa dadka dib u celinta loo sameynayo.


