Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia, ayaa sheegay in Dowladiisu ay dhawaan guda gali doonto fulinta mashaariicdii ay ka ballanqaaday Dowlada Somalia.
Danjirahaani oo la macag baxag Warsame Geeljire oo Saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in mashaariicda ay ka fulin doonaan Somalia ay inbadan ka bahadin doonto Dowlada Somalia, sida uu hadalka u dhigay.
Danjiraha waxa uu sheegay in mashaariicda xoogeeda laga hirgalin doono Goboladda Dalka, waxa uuna cadeeyay in inta badan dadaalada lagu hirgalin lahaa mashaariicdaasi ay bilowdeen.
Waxa uu sheegay in xooga ay saari doonaan dib u dhiska dalka, Goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka.
Dowlada China ayaa horay Mashaariic horumarineed uga sameysay Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka.
DFS, ayaa horay dowlada China heshiis kula gashay hirgalinta mashaariicda uu iminka ku dhawaaqay Danjiraha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

