26.3 C
Mogadishu
Tuesday, May 26, 2026

Daawo: Go’aanka Xasan Sheekh iyo waxii dhacay 1969-kii oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka ayaa ka  hor yimid hadalkii madaxweyne Xasan Sheekh uu shalay  sheegay ee ahaa in uu xeer ka soo saaray hannaanka doorashadda sannadkan.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlay VOA ayaa sheegay in madaxweynaha uu ku tuntay dastuurka dalka, isla markaana wuxuu sameeyay ay isaga caqabad ku noqon doonto maadaama uu yahay musharax madaxweyne.

Xildhibaanka ayaa hadalka madaxweynaha ku tilmaamay mid u eg kii sannadkii 1969-kii millitariga uu afgambiyay dowladii Soomaaliya, balse wuxuu sheegay in ciidamada maanta aan la siin mushaar isla markaana aan la heli doonin ciidan madaxweynaha gacan ku siiya afgambiga uu sameeyay

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha in go’aan uu kaligiis qaatay isla markaana uusan la tashan xukuumadda iyo baarlamaanka toona, sidda uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in madaxda dowladda sidda madaxweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha uu mid kasta rabay in muddo korarsi ay sameystaan balse baarlamaanka iyo beesha caalamka ay ka diideen arringtaas sidda uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka ayaa ku goodiyey in baarlamaanka uu sharci ka qaadi doono madaxweynaha oo hadda musharrax.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News