Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo gaar gaar ah kula yeeshay wakiilo ka socdo beesha caalamka kuwaasi oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Kulamadaasi ayaa waxaa madaxweyne Gaas uu kusoo bandhigay mowqifka Puntland maamul iyo shacabka ay ka qaateen arimaha Soomaaliya, isagoo cadeeyay in Dadaal kastaa oo doorasho lagu gaari karaa ay sameysay Puntland.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweyne Gaas uu u gudbiyay xubnaha uu la kulmay warqad uu ku cadeeyay mowqifka ay qaadan doonaan Puntland ahaan haddii la dhaqan geliyaa waayo hishiiskii 12 April ka dhacay Muqdisho ee lagu cadeeyay qaabka doorashada u dhaceyso.
Wuxuu sheegay in aysan Puntland qeyb ka noqon doonin doorasho wax laga bedelo iyo In laga leexdo dhabihii horey loo jeexay ayaa lagu qeexay go’aanka dawladda Puntland, ayna qaadi doonaan masuuliyadda ka dhalata cidii talaabadaas samaysa.
Madaxweyne Gaas ayaa beesha caalamka ee uu la kulmay u sheegay iney diyaar u yihiin dhaqan gelinta hishiisyadii horey u dhacay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

