Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud oo shalay kulan gaar ah la qaatay Xildhibaanada ugu miisaanka culus BFS ayaa kala hadlay qorshooyinka DFS ay ka damacsan tahay doorashada dalka.
Madaxweyne Xassan oo wajigiisa ay ka muuqatay carro ayaa Xildhibaanada BFS ee uu la kulmay ugu hanjabay inuu kala diri doono islamarkaana xaalad degdeg ah galin doono dalka.
Madaxweyne Xassan waxa uu Xildhibaanadaasi ku wargaliyay inay qaatan go’aanka looga wareejiyay Go’aan ka gaarida Doorashada 2016.
Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale sheegay in Culeys xoogan uu ka saaran yahay dhanka Beesha Caalamka, sidaa aawgeedna uusan u dulqaadan doonin in Xildhibaanada ay muran iyo isqabqabsi ka keenaan go’aan ka gaarista Hanaanka doorasho ee dalka.
Go’aanka maanta kasoo baxay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah mid meesha looga saarayo kala shakigii soo dhexgalay hogaanka dowlada Federaalka, Baarlamaanka iyo Beesha Caalamka.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Barlamaanka Federaalka hada hawshiisii u dhamaatay isla markaana aan la horkeeni doonin wax shuruuc ah oo la xariira doorashada soo socota.
Weli macada in xildhibaanada gadoodka ka waday Baarlamaanka oo intooda badan saaxiibo dhaw la ahaa Madaxweyne Xasan ay tilaabo kale qaadi doonaan taasi oo soo dadajin karta in Madaxweynaha ku khasbanaado inuu kala diro Baarlamaanka Federaalka oo wakhtigiisa sii dhamaanayo, si loo badbaadiyo awooda yar ee u harsan Villa Somaliya intaan la gaarin doorashada.
Hanjabaadaha kasoo yeeraaya Madaxweyne Xassan ee lagu kala diri doono BFS iyo niyad jabka Beesha Caalamka lasoo gudboonaaday ayaa sabab u noqon karta in Somalia ay gasho xaalad degdeg ah.
Docda kale, saadaasha ugu badan ayaa ah in Xildhibaanada BFS ay foodo ku kiciyaan Dowlada Somalia si loo qalqal galiyo hanaanka doorasho ee Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

