Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda Somalia ayaa Safiir cusub u magacawday Safaarada Somalia ee dalka Talyaaniga, iyadoo xilkaasi ka qaaday Danjirihii hore ee dalkaasi u fadhiyay.
Safiirka cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa C/raxmaan Sheekh Ciise, waxa uuna waxbarashadiisa kusoo qaatay gudaha dalka iyo dibadiisa, waxa uuna iminka bedeli doonaa Danjire Jen. Muuse Xasan Cabdulle.
Xukuumadda Somalia wali ma aysan shaacin Digreetada isbedelka Safiiradaani, balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyay in labada Safiir leysku bedelay.
Safiirka cusub Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise ayaa ka tirsanaan jiray ciidamada xoogga dalka Somalia xiligii Dowlada Siyaad barre, waxa uuna Dowladaasi dhacday mas’uul uga ahaan jiray xerada 26-aad ee magaalada Hargeysa.
Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise ayaa ahaa La-taliyaha dhanka Difaaca Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh, waxa uuna yaqaanaa luqado dhowr ah.
Isbedelkaani ayaa waxa uu daba socdaa isbedelo mudooyinkaani lagu sameynaayay Safiirada DFS u fadhiya Caalamka.
Jen. C/raxmaan Sh. Ciise ayaa lagu wadaa in lagu wareejiyo warqadihiisa aqoonsi si uu ula tago Madaxtooyada Dalka Talyaaniga.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

