24.6 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Xog: Mooshin deg deg xilka looga qaaday Xasan Sheikh oo socda

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa diyaarinaya mooshin deg deg ah oo xilka looga qaadayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa shalay xeer madaxweyne ku ansixiyey heshiiskii doorashada 2016 ee ay gaareen xubnaha madasha wada-tashiga qaran, isaga oo dhinac maray xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Xildhibaanada oo arrintan ka carreysan ayaa wacad ku maray inay tallaabo ka qaadi doonaan madaxweynaha.

“Xasan waxa uu dalka u horseeday fowdo iyo qalalaase siyaasadeed, isaga oo baal maraya dastuurka dalka, balse isaga ayaa ku bixi doona qalalaasahan” Waxaa sidaas Caasimada Online u sheegay mid ka mid ah xildhibaanada diyaarinaya mooshinka.

Xildhibaanada mooshinka wada ayaa u badan kuwa beelaha Digil iyo Mirifle iyo Hawiye, oo ka carreysan in gobolka Banaadir laga reebay aqalka sare ee baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News