Axmed Madoobe Oo Magacaabay Xilal sar sare xili Laga dayrinayo Xaaladda siyaasadeed ee maamulka kismaayo

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Madoobe ayaa magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Maamulkiisa.

Axmed Maxamed Islaam ayaa labo digreeto kukala magacaabey Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland mudane Maxamed Sh Cusmaan Siciid iyo gudoomiyaha maxkamada sare Sheekh Cabdishakuur Ibraahim Cabdi.

Tallaabadaan uu Maanta xilalkaan Cusub uu ku Magacaabay Axmed Madoobe ayaa ku soo aadeysa xili Kismaayo ay ka taagan tahay Xiisad ku aadan in Guddiga Anshaxa Baarlamanka Dowlad goboleedka Jubbaland ay sheegeen in ay xasaanadii ka qaadeen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan wallow isagu uu Sharcidaro ku tilmaamay.