kenya oo Hawada ka Saartay Qaar ka mid ah TV-yada Kashaqeeya Dalkaasi.

Nairobi-(Caasimadda Online)-Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee caasimada ee dalka Kenya ayaa sheegaya in hawada laga saaray qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi gaar ahaan kuwa leyska arko kuwaas oo lagu eedeeyay inay baahiyeen dhaarinta hogaamiyaha mucaaradka ah ee xisbiga NASA ee dalkaas.

Dowladda Kenya ayaa Jimcihii isugu yeertay Madaxda Warbaahinta waxaana ay ku hanjabtay in ay hawada ka saari doonto warbaahintii tabisa munaasibadda dhaarinta Raila oo ay dowladda diidday.

TV-yadda Citizen, NTV iyo qaar kale ayaa diiday sida wararka qaar ay tilmaamayaan inay u hogaasamaan amarka dowlada, waxayna ku doodeen in ay muhiim tahay in ay baahiyaan,waxa ay ubaahanyihiin bulshada dalkaasi,isla markaana ay dhax dhaxaad ka yihiin siyaasada dalkasi.

Agaasimaha guud ee Royal Media Servise, oo uu ka tirsan yahay TV-ga Citizen  ayaa sheegay in dowladda dhexe ay hawada ka saartay TV-gooda iyo midka kale ee NTV la yiraa.

Dowlada Kenya ayaa waday dadaalo ay ku dooneysay in ay ku carqaladeyso habsami u socodka dhaarta hogaamiyaha mucaaradka ah Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho.

Majirto ilaa hadda hadal dhinaca dowladda ka soo baxay oo aan ka ahayn hanjabaaddii jimcaha ee warbaahinta madaxdooda iyo Uhuru Kenyatta dhexmartay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com