Axmed Madoobe oo runta u sheegay R/W CCC.!!

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo kamid ah wafdigii ra’iisul wasaare Cumar C.rashiid ee shalay booqday xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa runta u sheegay ra’iisul wasaaraha.

Axmed Madoobe, ayaa sheegay in dadka ku sugan xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya u baaha yihiin iney kusoo laabtaan dalka Soomaaliya, laakiin aysan helin xuquuqda ay lahaayeen.

Axmed madoobe ayaa si cad u sheegay in madaxa qaxootigaasi lagu qaato dhaqaalo badan oo iyaga aan waxba loogu qaban, balse loo adeegsado diyaarado lagu safro iyo waxyaabo aysan dani ugu jirin qaxootiga.

“Ma ahan in diyaarado loo isticmaalo dhaqaalaha adduunka ugu deeqo qaxootigaan, dadkaan halkaan joogo waxay ku laaban karaan Jubbaland, koofur galbeed, Puntland iyo meel kasta oo Soomaaliya kamid ah, weyna ka shaqeysan karaan, laakiin maaha in lacagta madaxooda lagu soo qaado in si qaldan loo adeegsado”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadka Soomaalida ee kunool xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya ay wajaheen culeesyo badan kadib markii hayadaha kala duwan ee ka shaqeynayay xeryahaasi ay joojiyeen shaqooyinkii xeryaha Dhadhaab ka socday.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com