Ciidamada Liyuu Boolis oo dad rayid ah laayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Liyuu boolis ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa dad rayid ah ku dilay xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Laamaha amaanka ee dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaanan ka hadlin dilka ciidamadooda ay ka geysteen dhulka ismaamulka Soomaalida.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka ciidamada Liyuu boolis ay dileen ahaayeen dadk masaakiin ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ku sugnaa xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya.

Deeq Cabdi Rayid, oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolis aysan cadeyn sababta dadkaasi loo dilay.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad rayid ah oo reer miyi ah iska dilaan ciidamada liyuu boolis, isagoo sheegay iney qeyb ka tahay falalka ciidamada liyuu boolis ku xasuuqaan dadka aan waxba galabsan.

Ciidamada Liyuu boolis ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa dad rayid ah ku dilay xuduuda ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia.

Laamaha amaanka ee dowlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaanan ka hadlin dilka ciidamadooda ay ka geysteen dhulka ismaamulka Soomaalida.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka ciidamada Liyuu boolis ay dileen ahaayeen dadk masaakiin ah oo aan waxba galabsan, kuwaasi oo ku sugnaa xuduuda Ethiopia iyo Soomaaliya.

Deeq Cabdi Rayid, oo kamid ah dadka ku dhaqan deegaanka dilka uu ka dhacay ayaa sheegay in ciidamada Liyuu boolis aysan cadeyn sababta dadkaasi loo dilay.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad rayid ah oo reer miyi ah iska dilaan ciidamada liyuu boolis, isagoo sheegay iney qeyb ka tahay falalka ciidamada liyuu boolis ku xasuuqaan dadka aan waxba galabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com