XOG: Kay oo arrin oo khatar ah uga digay Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Arrimaha Somalia Nicholas Kay oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxa ay kulankooda uga wada hadleen arrimaha la xiriira Isku shaandheynta golaha wasiirada Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar.

Madaxweyne Xassan ayaa Nicholas Kay sharaxaad ka siiyay hanaanka lagu soo xulaayo xubnaha cusub ee kamidka noqon doona Xukuumada Somalia.

Xassan ayaa Nicholas Kay u sheegay in isku shaandheynta ay 2 qaab u dhici doonto waxa uu sheegay qaabka koowaad ay noqon doonto keenista Xubno cusub, halka qaabka labaadna uu ka noqon doono in wasiirada iminka hayo qaarkood ay soo laabtan islamarkaana loo kala bedelo xilalka ay hadda hayaan.

Qodobeynta Madaxweyne Xassan kadib ayaa waxaa isna hadlay Nicholas Kay oo Xassan sheikh ka dalbaday in lagu dadaalo in isku shaandheynta laga ilaaliyo nin jecleysi ama Urureysi.

Waxa uu Nicholas Kay uga digay Xassan Sheekh inuu dib usoo celsho shaqsiyaadkii horay ay u diideen Xildhibaanada BFS waxa uuna ka carabaabay Faarax C/qaadir iyo Seddex xubnood oo kale.

Sidoo kale, Nicholas Kay waxa uu Xassan Sheekh ku wargaliyay in Beesha caalamka aysan aqbali doonin in Xukuumada soo socta lagu soo darro shaqsiyaad ay xasaasi ka qabaan BF iyo shacabka Soomaaliyeed.

Gabagabadii Nicholas Kay ayaa Xassan Sheekh uga mahad celiyay habka ay Dowladiisu u wado wadadii ay ku dhici laheyd doorashada 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com