Sawirro: Guuleed oo yeeshay ciidamo sharci ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Galmudug ayaa yeeshay Ciidamadii ugu horeeyay ee qaab sharciyeysan u qaatay Tababar kuwaasi oo ka howlgali doona gudaha Magaalada Cadaado.

Ciidamadaani tababarka loo soo xiray ayaa ah Booliska suga amaanka magaalada, waxaana ka dhexmuuqda dhowr dumar.

Ciidamadaani ayaa bilowgoodii hore ahaa Maleeshiyaad aan sharciyeysneyn, balse hadda waxa ay qaaten magac dowladnimo.

Xafladda soo xiritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay Wasiirka amniga Galmudug Cismaan Ciise Nuur ”Taar dhuleed” taasoo ka dhacday Degmada Gelinsoor.

Ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa tirro ahaan gaaraya ilaa 80 Booliis kuwaasi oo durbadiiba loo kala qeybiyay qeybaha kala duwan ee magaalada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7