Ceeb: Wasiirka arrimaha dibada Somalia oo laga mamnuucay diyaaradda ETHIOPIAN AIRLINES

Addis-Ababa (Caasimada Online) –  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalam Cumar Hadliye ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ay shirkadda diyaaradaha ee ETHIOPIAN AIRLINES ay ka mamnuucday raacidda diyaaradahooda.

Caasimada Online oo arrintan dabagashay ayaa soo ogaatay in wasiirka uu laba jeer dagaal ku dhex sameeyay isagoo ku safrayay diyaaradda Ethiopia Airlines, sida aay sheegeen howl wadeenada shirkadda Ethiopian Airlines.

Sida ku cad warqad aan helnay, wasiirka ayaa saarnaa markii uu dhacay falalkan anshax xumada ah diyaarad nooceedu yahay Boeing 737-700, oo ka soo dhooftay garoonka Djibout Ambouli kuna socotay Garoonka Bole Internation Addis Ababa, flight number ET365, iyo Flight-ka labaad oo lagu sheegay in uu ahaa ET302 Boeing 747 oo ka soo dhooftay Bole Int, kuna socotay Joma Kenyatta Int, Kenya.

[su_quote]Boeing 737-700, depart from Amboulie JIB en-route to ADD Bole International Airport flight number and flight ET-365. Second flight Boeing 747 flight ET-302 from ADD Bole International, to Nairobi en-route to NBO[/su_quote]

Wasiirka ayaa dagaal iyo caay kula dhaqaaqay shaqaalaha diyaaradda markii aay u diideen in aay siiyaan cabitaan kale, iyagoo markaa u arkayay inuu wasiirka qaatay tankii loogu talo galay iyo ka badan, haddii aad fahmi karto nooca cabitaan ee aan ka hadleyno.

Wasiirka ayaa markii uu sameynayay falalkan anshax xumada aanan miyir qabin, sida ku qoran waraaqda aay Ethiopian Airlines ku eedeeyeen wasiirka.

Wasiir Hadliye ayaa waxaa falal noocan oo kale ah iyo musuq maasuq looga soo ceyriyay mar uu ka mid ahaa shaqaalaha sar sare ee Dowladda Washingtion DC.

Wasiirka ayaaa laga mamnuucay gebi ahaanba inuu ku safro diyaaradda Ethiopian Airlines, Safar uu bishan 4 teedi ku tagi lahaa wasiirka Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa bedelkiisa baxay wasiir ku xigeenka wasaaradda Axmed Kadiye.

Waxaa loo badinayaa anshax xumada Wasiir Hadliye in ay tahay sababaha ugu weyn ee uu ku weyn doono shaqadiisa, marka isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada DFS, marka uu RW CCC ka soo noqdo safar shaqo oo uu ugu kicitimay Mareykanka iyo Malta.

Caasimada Online
Xafiiska Addis Ababa
caasimada@live.com