Warbixin: Xildhibaan ka tirsan BFS oo la toogtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Degmada Xamar-weyne ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay ku dhaawaceen degmadaasi Xildhibaan ka tirsan BFS xili uu ku sugnaa Isgooyska Ceel-gaabta.

Weerarka Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan ayaa lagu dhaawacay ayaa yimid kadib markii Gaari uu la socday lagu jaray gaari kale islamarkaana rasaaso lagu haawiyay, sida dad goobjoogayaal ahi ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kooxaha Weerarkaasi geystay ayaa goobta isaga baxsaday dhaawaca xildhibaanka kadib waxaana halkaasi gaaray Ciidamada amaanka Dowlada.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada Weeerarka lagu qaaday Xildhibaankan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com