Axmed Madoobe oo shaaca ka qaaday arrin la xiriirta shirkii Dhuusamareeb 3 oo aan horey loo ogeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland oo warbixin siinayey aqalka sare ee baarlamaanka federaalak ah ayaa shaaca ka qaaday in ay isaga iyo Saciid Deni, madaxweynaha Puntland damacsanaayeen tagista shirkii Dhuusamareeb 3 balse la xiray markii la ogaaday iney tagayaan.

“Iyada oo aan cudurdaaradii weli la iska qancinin, waxyaabo kalana iska jiraan aya shirkii  Dhuusamareeb la isugu tagay, madaxweynha iclaamiyey, ma aaney noqon in aan tago, asbaabo la wada ogyahay oo jira, Saacidna ma tagin, markii dambe waxaan qaadanay in aan tagno, xiligii la ogaaday in aan tageynana waa tii shirka la xiray,” ayuu yiri.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Axmed Madoobe ee ah inay markii dambe diyaar u ahaayeen inay shirka tagaan, waxaana la ogyahay oo kaliya diidmadooda.

Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale ka hadlay in madaxweynaha ay u soo jeediyeen in shirka laga galayo arrimaha doorashada ee Xamar loogu yeelo madaxda maamul goboleedyada, la heshiisiiyo labada aqal, madaxweyneyaashii hore, axsaab ururada siyaasadda, isaga oo intaa raaciyey in aan jirin cid cid ka maaranto.

“Waxaan isla qaadanay markaa in aanay sax ahayne, madaxweynoow waan joogaynaa Xamar waa la yimid saaxiibadano ha loo yeedho, hadaan wax kala tabanayno aan wadahadallo labada aqal ha la isu keeno, golaha shacbiga ha la soo reebo, isbiidhkuu ku socdo dib ha loo soo celiyo, aqalka sare ha loo geeyo hore ha loo jiido ha la wadahadlo dadka siyaasadaan ay ka dhaxayso kuligood goobta ha ku wada hadlaan,” ayuu yiri.

“Waxaan idhi hadii shalay Dhuusamareeb shirkii ahaa diidmadu ay ahayd niman baa ka maqan, in aan hadana anaga oo saddex ah intaan shirno hadhow aad na xamataan oo tidhaahdaan aryaa day saddexdii qoyska ahayd baa hada wax shiraysee, masiirka iyaga maa ka talinaaya. Warkaasi war kale waaye, taas inaan shir intaan galno saddexdayadu komunikee soo saarro nooca doorashada ka soo hadallo, warqad kale aan soo saarraa waxay macno tiraysaa nooca shirku yahay iyo imaatinkayagii iyo waxaba”.