GUULEED oo ka hadlay shakiga ka dhashay natiijada imtixaanka dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta shaacisay natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare ee dowladda federaalka ay ka qaaday ardayda Soomaaliyeed ee ku nool koonfurta iyo bartamaha dalka ee sanadkan qalin jebisay.

Walaac iyo hadal heyn badan ayaa ka dhalatay natiijadaas, kadib markii 10-ka arday ee gashay kaalimaha u horeeya laga waayey hal arday oo ka soo jeeda gobolka Banaadir.

Sidoo kale ardayda ugu badan ee dhacday ayaa kasoo jeeda gobolka Banaadir, waxaana xusid mudan in ardayda ugu badan ay imtixaanka ku galeen Banaadir.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ka mid ah aqoonyahanada ka fal-celiyey natiijadii ay shaacisay wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka ayaa sheegay in si lamid ah dadka kale ay uga dhaadhici weysay natiijadaas, isagoo xusay in ku dhawaad 25-sano uu ka shaqeynayey arrimaha waxbarashada.

Cabdikariin Guuleed oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay inay u simanyihiin dhammaan gobollada Soomaaliya, isla markaana uu jecelyahay in arday kasta uu xaqiisa, balse waxa uu sheegay in mugdi badan uga muuqdo natiijadan.

Cabdikariin oo sii kala dhigdhigay sida ay wax ula muuqdaan ayaa qoraalkiisa ku soo bandhigay laba qodob oo kala ah.

1 – Sida ka muuqata jaantuska natiijada imtaaxanka waxaa guud ahaan u fariistay 32,727 arday, waxaana haray/dhacay 8,550 arday, taas oo ka dhigan 25.35% celcelis ahaan. Tani waa arrin argagax leh muujineysana fashal muuqda oo ku yimid nidaamka waxbarashada ee dalka marka indho aqooneed lagu eegno .

2 – Dhanka kale jaantusku waxuu ina tusayaa in ardada gobalka Banaadir ka dhacday ay yihiin 7,873 arday taas oo ka dhigan in 90% ardeyda dhacday ay ahaayeen ardeyda hal gobol imataxaanka u gashay. Waana arrin kale oo iga maajisay dad badanna shaki ku abuurtay.

“Intaas iyo in ka badan oo la wada fahmi karo in aaney maangal aheyn ayaa natiijada maanta ka muuqatay, waxaana rajeynaya iney ila qabaan indheergarad badan oo muddo dheer waxbarashada kasoo shaqeeyay” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Ugu danbeyntii Cabdikariin Guuleed ayaa ugu baaqay madaxda Dowladda Federaalka in aan la fududeysan mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo walaaca waalidiinta heysta, “sigaar ah waxaan usoo jeedinaya in guddi heer Qaran loo saaro arrintan oo xaqiijin ku sameeya hufnaanta habkii loo qaaday imtixaankan iyo habkii loo saxay intaba” ayuu yiri.