Axmed Madoobe oo sheegay in Jubaland ay dhinacyada kasoo horjeeda DF….

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka hadlay xiriirka maamulkiisa kala dhexeeya dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in maamulka Jubbaland uu rumeysan yahay inuu yahay maamulka koowaad ee si dhaba u dhaqan galiya awaamirta dowlada Federaalka.

Waxa uu tilmaamay inaan xafiiskiisa looga shaqeyn tallo aan lasoo marin dowlada Federaalka waxa uuna talaabadaasi ku micneeyay sida ay Jubbaland ugu diyaarsan tahay dowladnimada.

Wuxuu bidhaamiyay in Jubbaland aysan diyaar u aheyn inay taageerto dhinacyada kasoo horjeeda dowlada, wuxuuna sabab uga dhigay inay doonayaan nabad iyo kala danbeyn ka dhalata dalka, sida uu hadalka u dhigay.

”Wey jiraan kuwo aan jecleyn wanaaga oo ka shaqeeya khilaaf soo kala dhexgala dowlada iyo maamulada, anigu waxaan qirayaa in Jubbaland ay kaalinta koowaad kaga jirto maamulada sida dhow ula shaqeeya dowlada”

Waxa uu Madoobe cadeeyay inay ku khasban yihiin taageerida dowlada maadaama adduunka uu ku cadaadinaayo inay la shaqeeyan dowlada Somalia.

Haddalka Madaabe waxa uu lid ku yahay qoraal dhawaan ay daabaceen warbaahinta qaar oo iyagu soo bandhigay Xildhibaano ka tirsan BFS oo Jubbaland ku eedeeyay maamul u saaxiib ah Khilaafka dowlada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com