Axmed Madoobe oo shirka Muqdisho la yimid hal nin oo kaliya (Waa kuma ninkan?)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho waxaa lagu soo geba-gebeeyey shirka dowlad Goboleedyada iyo dowladda federaalka. Madaxweynayaasha Hirshabele, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa la yimid wasiiro matalaya dowlad goboleedyadooda, Balse waxaa cajiib noqotay marki Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland uu la yimid Cabdi Cali Raage oo aan xil rasmi ah ka haynin maamulka Jubaland.

Shirka Maamul goboledyada ayaa waxaa jooga inta badan wasiirada dowlad goboleedyada Balse Jubbaland waxaa matalaya Madaxweyne Madoobe iyo saaxiibkii Raage.

Waa Kuma Raage?

Dadka aqoonta u leh Raage ayaa ku tilmaamay ninka ugu musuqmaasuqa badan  Soomaaliya, waxuu hay’adaha caalamiga ah ka dhacay 210 Milyan oo dollar laga soo bilaabo 2004tii ilaa 2010-kii, isagoo lahaa hay’ada Afriq.

Lacagta ugu badan waxuu Raage ka dhacay hay’ada USAID, Waxuu afar jeer magaca Raage ku soo baxay warbixin sanadeedka  kooxda Monitpring Group.

Cabdi Cali Raage wuxuu Kismaayo ku leeyahay ilaa afar shirkadood oo qandaraasyada qaata oo Axmed Madoobe ay shirkad ku yihiin.

Waxuu accountiyo badan ku leeyahay Jabuuti iyo Kenya iyo Dubai. Waxaana accountiyadaasi lagu shubaa lacaga Kismaayo la isku dabamariyo.

Cabdi Cali Raage wax xil ah si rasmi ah uguma magacowna balse waxuu sheegtaa lataliyaha Madaxweynaha Jubbaland oo waraaqaha uu ku qorto.

Wuxuu lacago ka qaataa dhalinyarada shaqooyinka ka dalbada hay’adaha samafalka taasoo uu hay’adaha uga raadiyo shaqo

Maxaa ka dhaxeeya Raage iyo Axmed Madoobe ?

Raage iyo Axmed Madoobe waxay is yaqaaneen mudo 17 sano ah, waxuu xiriirkooda kordhay shantii sano ee u dambaysay. Arimaha sida gaarka ah uga dhaxeeya waxaa ka mid ah shirikada qandaraasyada ka qaata magaalada Kismaayo, waxaa la aaminsan yahay in Raage iyo Axmed ay wada qaataan mashaariicda hay’adaha ay bixiyaan iyo heshiisyada Jubbaland ay soo gasho.

Waxaa ka mid ah, Lacagtii Imaaraadka laga soo qaatay xiligii doorashada, Heshiiska Shirikada Shidaalka ee Haas, Mashruuca imaaraadka ee iskuulaadka Kismaayo,  Dhismaha Garoonka Kismaayo. Baabuurta ay UNDP kismaayo keento oo la gato iyo waliba hubkii dhowaan Itoobiya laga soo iibiyay oo hadda uu Raage ku hayo baqaarka Warshadda Hilibka,

Dadka sidey u arkaan Cabdi Cali Raage ?

Dad aqoon dhow u leh Cabdi Cali raage waxa ay sheegeen inuu yahay  nin aad ugu dhaw axmed madoobe kuna diro dadka uu is leeyahay amay Axmed Madoobe maxkaxdiisa badalanaa, waxuu kala dilaa qof walba oo Axmed Madoobe u dhowaada, Waxuu Axmed Madoobe usoo qoraa dadka wasiirada laga dhigayo,

Dadka ay Cabdi Cali Raage dartiis u kala tageen Axmed Madoobe ayaa waxaa ka mid ah, Cabdulaahi Ciilmooge, Ibraahim Shukri, Cabdulaahi Xadhuun, Sheekh Daahir iyo rag badan oo Jubbaland magac ku lahaa.

Ehelka hoose ee Axmed Madoobe ayaa u arka Mr Raage inuu yahay shaqsiga kaliya ee abuuray Nacaybka Axmed Madoobe loo qaaday.

Caasimada Online ayaa sidoo kale soo ogaatay inay Beesha Axmed Madoobe ay dhawr jeer kala hadashay arrinta ku aadan Raage , balse dhammaan waxyaabihii loo soo jeediyey wuu iska indha tiray.

Dhowaan waxaan soo daabici doonaa Hantida Cabdi Cali Raage ee taala Jabuuti, Nairobi iyo Dubai.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com