Xog cusub: Muranka ka taagan xil wareejinta maareyaha garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weli uu muran ka dhex aloosan yahay Maareeyihii xilka laga qaaday iyo Maareeyaha cusub ee la magacaabay 06 April 2017.

Maareeyihii Garoonka Aadan Cadde, Aadan Cabdi Ashkir, ayaa diidan xil ka qaadis uu ku sameeyay Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia, waxa uuna wali ku doodayaa in xilka looga qaadi karo keliya Digreeto kasoo baxda Xafiiska Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Aadan Cabdi Ashkir, ayaa ku doodaaya in xil ka qaadista uu Ra’isul wasaare Kheyre ku sameeyay 06 April 2017, ay tahay mid aanu waafaqsaneyn sharciga, isla markaana loo baahan yahay in Maareeyaha cusub ee lagu bedelaayo uu la imaado Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha maadaama isaga lagu magacaabay Warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxweynihii hore ee Somalia.

Maareeyaha cusub ee Garoonka Aadan Cadde Yuusuf Cabdi Cabulle (Yuusuf Jaale), ayaa wali banaan joog ka ah Garoonka waxaana ilaa iyo hadda howsha Garoonka sii wada Maareeyihii hore Aadan Cabdi Ashkir oo diidan xil ka qaadista lagu sameeyay.

Howlaha ka socda Garoonka Aadan Cadde ayaan wali ku socon si nadiif ah, kadib markii ay saameyn ku yeelatay muranka ka dhexeeya labada Maareeye oo aan wali la xalin.

Yuusuf Cabdui Cabdulle, ayaa isagu saaxiib dhow la ah Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, waxaana magacaabidiisa lahaa Madaxweynaha oo ku abaalmariyay xilkaasi maadaama uu ahaa Madaxii Ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Madaxtooyada Somalia ayaa qudheeda ka biya diidan in mar kale ay soo saarto Warqad ka socta Xafiiska Madaxweynaha ee xilka looga qaadaayo Maareeyihii diiday Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Kheyre.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa iminka socda dadaalo lagu xalinaayo labada mas’uul waxaana ugu danbeyntii la filayaa in Aadan Cabdi Ashkir uu xilkaasi wareejin doono haddii aanu dhicin isbedel kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com