Xog: Halkee ayuu ku danbeeyay amarkii uu Farmaajo dul dhigay Ethiopia/

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa amar uu dhawaan Madaxweynaha Somalia dul dhigay Dowlada Ethiopia, kaa oo la xiriiray in Safaaradeeda ay ka rarto Madaxtooyada Somalia.

Amarka Madaxweynaha ayaa la sheegayaa in wali aysan ka jawaabin dowlada Ethiopia, halka dowlada Jabouti ay durba ka bixisay jawaab.

Dowlada Ethiopia ayaa ku marmarsiyooneysa inaan wali heysan dhul leysku haleynkaro, isla markaana aysan ka guuri doonin Madaxtooyada ilaa laga helo qorsho cusub.

Waxa ay Ethiopia sheegtay in amniga Somalia uu yahay mid aan caga wanaagsan ku taagneyn sidaa aawgeedna ay isku howli doonto baadi-goobka dhul ku haboon.

Safiirka cusub ee Ethiopia ayaa isna laga soo xigtay inay adag tahay in Safaarada laga raro Madaxtooyada Somalia, isagoo tilmaamay inaysan ku shaqeyn karin meelo kale.

Safaarada Dowlada Ethiopia ayaa dhowr sano ku dhex shaqeyneysay gudaha Madaxtooyada Somalia, waxaana iminka amarka lagu raraayo bixiyay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Dhinaca kale, Safaarada ayaa waxaa ka howlgala Sirdoon aad u farabadan kuwaa oo si toosa ugu xiran Howlwadeeno ka tirsan Villa Somalia oo ay la wadaagan xogta Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com