Axmed Madoobe oo wajahaya cadaadis cusub kadib markii ay ka soo horjeesteen….

Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan beelaha dega deegaannada Afmadow, Bu’aale, Hoosingow iyo Jilib, ayaa ka cabanaya siyaasadda Axmed Madoobe ee maamulka Jubbaland.

Waxgaradka deegaannadan oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in inta badan xilalka muhiimka ah iyo safarradaba, uu Axmed Madoobe u xusho dad kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee deegaannadan, oo war saxaafadeed kasoo saaray kulankooda, ayaa eedeeyay qaabka uu maamulka Axmed Madoobe uga soo horjeystay siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo dhowaan kasoo laabtay booqasho uu ku tagay Itoobiya, ayaa eedeeyay dowladda Soomaaliya, taas oo dad badan u arkeen in uu la saftay Imaaraatka carabta oo dooneysa in maamul goboleedyada ay ka hor keento dowladda dhexe.