Daawo Gaas: “Aqalka Sare ayaa hortaagan oo caqabad ku ah danaha Puntland”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka Sare.

Cabdiwali Gaas oo maanta ka qayb galayay shir looga hadlayay Dastuurka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa khudbad dheer uu jeediyay ku sheegay in Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka sare aysan kasoo bixin waajibkii laga sugayay inay gutaan.

Wuxuu xusay in Puntland dagaal badan u gashay sidii loo dhisi lahaa Aqalka Sare gaar ahaan waqtigii la samaynayay Dastuurka isagoo tilmaamay in maamulkii waqtigaas dhisnaa uu aad uga soo horjeeday.

“Anagaa Puntland ayaa ku doodnay Aqalka sare sababtoo ah markaas 2011 kii markii Dastuurka la samaynayay state-ka kaliya ee ku doodayay Aqalka sare Puntland bay ahayd, cida kale oo markaas jirtay waxay ahayd Galmudug oo aan markaas dhammaystirnayn oo Galkacyo barkeed ah iyo Caalim, waxay lahaayeen ma rabno Federaal ee waxaan rabnaa Regional autonomy” Gaas ayaa sidaas sheegay.

Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in rag badan oo khuburo ah islamarkaana xilal sar sare soo qabtay ay ku darsadeen Aqalka Sare balse aan war laga hayn meel ay ku suganyihiin.

“Lama rabin in la dhiso Aqalka sare waa khasabnay laakiin hadda waxbana lama tarin, wax hadda uu na taray oo noo soo kordhiyay ma jirto, dagaal baan waxaa ku galnay waxaa la yiri dowlad goboleedyadu waxay leeyihiin 8 anaguna 11 ayaan leenahay, ma aragtay meel ay jiraan, waliba waxaan niri kuwo khibrad leh aan gaysano, Madaxweynayaashii, Ra’isal wasaarayaashii, Cabdiraxmaan Farole, Cumar Cabdirashiid, si khibradooda nooga faa’iideeyaan anagana waxeena noogu soo dhiciyaan, ma taqaaniin meel ay jiraan ma ka warqabtaan, ma hayno” ayuu yiri Gaas.

Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale ku eedeeyay aqalka sare in doodihii ay yeesheen kuwo badan oo kamid ah looga soo horjeeday danaha maamulkan gaar ahaan maalgashiga.

“Hadana markii doodu socotay waad dhagaysanayseen danihii Puntland ayaa qaar badan kasoo horjeedeen, Idaacadaha ma ka dhagaysanayseen, ma ka aragteen, kuw leh yaan la maalgalin Puntland, Puntland maalgalinteeda raali kama nihin, kuwaanu gaynay weeye, gacantayda anaa ku qoray laakiin hadda waxba oran mayo” Sidaas waxaa hadalkiisa ku sii dayray Madaxweyne Gaas.

Wuxuu sidoo kale xusay in mudanayaasha uu eedeeyay ay Puntland kusoo noqon doonaan mar kale iyagoo xil raadis ah, balse waqtigaas uu kashifi doono waliba isagu uu ka marag kici doono wixii ay sameeyeen.

“Koley waa soo laaban doonaan mar kale oo waa noo imaan doonaan iyagoo kuraas raadinaya Afar sano ka bacdi laakiin markay yimaadaan waa sheegaynaa waxay sameeyeen waa ka marqaati kacayaa anigu” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Xigasho: Radio Garowe