Isbaheysiga DRC oo weeraray Axmed Madoobe ” igu sawirta Qalbidhagax waxaa ka fiicnayd inuu reerka guri udhiso”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbaheysiga la magacbaxay soo xelinta Demoqraadiyada Jubbaland ayaa dhalii lu jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Isbahayesigaan ayaa war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xaaladda maamulka Jubblanad, gaar ahaan fatahaadada iyo kulankii Axmed Madoobe iyo Qalbi Dhagax.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhamestiran oo uu ku saxiixnaa  Cabdullahi Ciilmooge

08 May 2018
Anigoo ku hadlaya magaca JDRC Isbahaysiga dib-usoo noolaynta diimuqraadiyada ee maamulka jubbland, ayaan rabaa inaan idinla wadaago aragtida Isbahaysiga eek u aadan arimo dhawr oo madaxwyne Ahmed M Islan ka dhaawajiyay shalay garoonka kismaaayo:

1. Arinta laxiriirta Gurmadka Qaranka ee laxirirtayfatahada biyaha gobolka gedo oo uu
hogaaminaYAY R/W kuxignka dawlada somalia oo loo diiday inuu ku dago Baardheere isaga iyo wafdigu AYAA HAYD MID NASIIBDARO AH.
a. WAFDIGU WUU DAGAY WAAYO GUDOOMIYAHA GOBOLKA IYO SHACABKA AYAA
LASHAQANAYAY.
b. JBLND waxay ka kooban tahay 15degmo. Waxaan ogsoonahay in adaxwayne ahmed m
islaan uu katagay 3 kaimd ah 15 ka degmo o udhiganta 20%.. soo ma cadda in 80%
maamulkii uu madaxada u ahaa uusan booqan. Sidee kalsooni ooga heli karaa oo uu
afkooda oogu hadli karaa meel uusan 80% dadkii daganaa ee hoos yimaada maamulka
uusan booqan. Sidoo kale markii 6sano kadib uu xorayn waayay Gobolka Jubbada
dhexse, oo dadkii deegaankaaasi ee xamar dulsaarka ku ah ay codsadeen in loo
xooreeyoo dhulkaas; madaxwayne Ahmed M Islaan, wuxuu ku jawaabay dawlada dhexe
ayaa isoo wareertay. 6sano ayuu dhaafi waayay 6km marka hadii dawladii rabto inay
nabadiidka ka xorayso dhulka soo ma ahayn inuu soo dhaweeyo.

2. Arinta Khaliijka iyo Ciidamda. 2daas laamood waa qodobo distuuri ah oo dawlada dhexe ayaa si
gaar ah uleh go’aan ka gaarida.
a. 3jeer udambaysay doorshooyinka Somalia waxay ahaayeen kuwo si nabad ah la isugu
wareejiyay. Tun sagaaro meel lakala qaado maleh. Inagoo 27sano la daalaa dhacaynay
inaan lugaha isku duwano oo dib u hanano dalkeena; wax maslaxdad kuma jiraan in
dawlda dhexe ladabro ama jidgooyo loo dhigto. Somalia oo idil waxay eegaysaa in wax
u kordhaan.
b. Qasab ma aha inaad jeclaato qofka talada dalka qabta; waxaad ku khasban tahay inaad
la shaqayso.

2

c. Marka haloo daayo aragtida xukuumada ee la xiriirta arimaha dibeda.
d. Madaxwayne ahmed M. Islaan wuxuu aaday Imaaraatka oo ku maqnaa (8)sideed casho
jooga sida dadku wada ogyahay. Dhigiisa oo ah madaxwayne abdiwali ali gaas ma
dhuuman ee warsaxaafadeed buu qabtay intuusan aadin UAE. Maxaa jubbaland baday
in madaxdeedii dhuumatoo oo waliba aysan ka hadal safarkaas. Waxaa ku xigtay madax
wayne ahmed madoobe oo gudbay Addis Ababa; waa dalkii labaad. Ma qabo inuu
dawlda dhexe midna lasocosiiyay. Waxaa inoo qoran saraynta sharciga bacda shareeca.

3. Ugu dambayn Arinta Qalbidhagax.
a. Igusawirta qalbidhagax waxaa ka fiicnayd inuu sadaqo ay unoqon lahayd inuu reerka
guri udhiso ciyaalkana school kabixiyo hadii ay ka dhab ahayd oo uu si qalbi furan ugu
unaxayay sarkaalka Qalbidhagax. Sarkaalaka allah ufududeeyo inuu isagoo nabad ah
hello xoriyadiisa kuna soo biiro reerkiisa.
b. Jubbland waa maamulka qura ee dadkii umudaharaaday qabidhagax xirxiray
c. Waalkii madaxwayne ahmed madoobe soo wacayay xildhibaandada kasoo jeeda
jubbland isagoo lahaa taageera in ladhoofiyo qalbidhagax
d. Wali 10bilood kadib oo uu xirnaa Qalbidhagax madaxwyne ahmed lagama maqal mana
soo qaadin magagca sarkaankaas.
e. Marka waxaan u qaatay 2shay midkood. 1) inuu madaxwayne ahmed madoobe rabo
score goal uu dhaliyo, ama 2) Buundo deebulo ka raadinayo madax dawlada dhexe.
f. Ugu dambayn; madaxwayne ahmed madoobe oo ay la soo daristay mowjado
siyasadeed oo rabay inuu culaysyadaas isga yareeyo igusawirta Qalbidhagax. Aniga iyo
dad badan oo illa mid ah; kama iibsan arintaas; warjiraabase cakaaruu iman.

Mahadsanidin

Cabdullahi Ciilmooge
JDRC, Chairman
Mogadishu, Somalia