Daacishta Somalia oo soo bandhigtay muuqaal muujinayo Sarkaal Sirdoonka Somalia ka tirsan oo ay toogteen

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaalkan oo ay baahisay Wakaaladda wararka Acmaaq ee Daacish ayaa la arkayaa ninka ay sheegeen inuu ka tirsanyahay sirdoonka Somalia oo gaari PL ah qeybta hore ka saaran isla markaana mar qura uu rasaas ku bilaabayo nin koofi wata oo ku hubeysnaa bistoolad

Kooxda Daacish ayaa dilkan ka fulisay suuqa Bakaaraha sida ku qoran muuqaalka waxana uuna dilka dhacay maalinimadii shalay ahayd.

Ninka toogashada geysanaya oo u muuqday nin gaariga ka degay ayaa isagoo bac kuwata gacanta waxa uu rasaastay ku bilaabayaa ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia isagoo dhowr xabadood kaga dhufanaya qeybaha sare ee jirka

Muuqaalka ayaa laga duubay ninka dilka fulinaya ayaa u muuqda mid uu ka duubay qof kale oo la socday gacan ku dhiiglaha dilka u geysanaya ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia oo u muuqday qof dhallinyaro ahaa inkastoo aanan wajigiisa si fiican loo arki karin

Waa muuqaalkii labaad oo ay kooxda Daacish duubto iyadoo dil fulineysa,dhawaan ayay ahayd markii muuqaal kan lamid ah ay ka duubtay iyadoo u geysaneysa sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada ammaanka Somalia ayaa wali umuuqada kuwo aanan u diyaarsaneyn kahortaga falalkan oo kale mar hadii ay xaaladda mareyso in maleeshiyaadka dilalka geysanaya ay muuqaal iska duubaan iyagoo dil fulinaya

Inkastoo aan muuqaalkaan idinla wadaagi karin, ayaa haddana waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka tirsan sawiradii laga dhex qaaday Muuqaalka.

Halkaan hoose ka daawo sawirada