Mareykanka oo ka baxay heshiiskii Niyuklerka ee Iran iyo hadalo kulul oo kasoo baxay…

New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran.

Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto.

Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska.

Hogaamiyeyaahsa dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi.

Hasayeeshe waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com