Axmed Madoobe oo war ka soo saaray dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay dacwadda Kiiska Badda oo shalay ka furmay Maxkamadda ICJ ee magaalada The Hague.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in xukuumada iyo shacabka Jubbaland ay garab taagan-yihiin, sidoo kalena rajo weyn ka qabaan in ay guulaysato dooda dalkeena ee aan kusoo ceshanayno badeena ay muranka galisay Kenya.

“Waxaan garab taaganahay Qareenada iyo xubnaha kale ee maalintii labaad u taagan dooda Dacwada Badda ee inagala dhaxeysa Kenya ee taala Xarunta Maxkamada Cadaaladda Adduunka” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqayaa in si wadajir ah loogu midoobo difaaca Baddeena taas oo ah masuuliyad saaran muwaadin kasta oo Soomaaliyeed. Waana guuleysaneynaa Inshallah.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweynaha shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu baaqay inay u midoobaan sidii ay u difaacan lahayeen baddooda iyagoo wada-jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta markale ka sii socon doonta dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, taas oo hortaallo maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Dooda Soomaaliya ayaa maanta halkeeda ka sii soconeyso, iyada oo ay markale qareenada Soomaaliya jeedin doonaan doodooda ku aadan difaacida biyaha dalkeena.

Qorshaha ayaa waxa uu ahaa in qareennada Kenya ay beri bilaabaan doodooda, balse Kenya ayaa maqan, iyada oo ka baxday kiiska badda ee ICJ, waxayna ku howlan tahay sidii ay kiiskan ugu gudbin laheyd Golaha Ammaanka ee QM.