Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii Sheikh Shariif, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Shariif Sheekh Axmed ayaan maanta kulan gaar ah Muqdisho kula yeeshay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Kulankaas ayaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan tan doorashooyinka oo khilaaf adag uu weli ka taagan yahay, sida lagu sheegay qoraal kooban oo laga soo saaray kulankaas.

“???????????? ??????? ?????????????? ???? ???????????? ???? ?????? ?????? ??????? ?????? ????? ???? ???? ???? ?? ?? ?????? ???????????????? ????????? ??? ???????? ?????? ????? ??????? ?????? ??? ?????? ?????? ??????????? ????. ????? ???? ?????????? ???????? ??????????? ??’ ???? ?? ????? ???????? ?????? ????? ????? ????? ??? ????? ?????? ?????? ??? ????? ?????? ??????? ????? ??? ??? ?????? ?????? ??? ?????? ???????,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraal ku saabsan kulankaas oo lagu baahiyey bogga Facebookga ee madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganayhay Muqdisho ku qaabilay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane  Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Kulanka waxaa ku wehelinayay Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.”

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho oo ay ka degan yihiin gudaha xeyndaabka Xalane, halkaas oo ay iyagu dalbadeen in la dejiyo, maadaama sida ay sheegeen aysan isku aaminin goob kale oo Muqdisho ka tirsan.

Waxaa weli qabsoomi la’ shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaas oo la sheegay in gogoshiisa la dhigay Xalane, waxaana jira warar sheegaya in madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada taabacsan ay doonayaan in gogosha shirka loo soo wareejiyo Madaxtooyada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, kadib safar maalmo qaatay oo uu ku joogay dalka Turkiga, waxaana weli dalka ka maqan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo sida la sheegay isna jira dalka Turkiga.