Wareegii 1-aad ee dacwada baddeena oo si rasmi ah u soo geba-geboobay maanta

Hague (Caasimada Online) – Sida uu warbaahinta u sheegay Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Sulaymaan Maxamed Maxamuud, Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 16-ka Maarso, Ergeda Dalkeenna uga qayb galeysay Maxkamadda Caddaaladda Aduunka ee uu hoggaaminayey Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa Maanta soo gaba-gabeeyey wareeggii 1-aad ee dood afeedka dacwadda la xiriirta baddeenna.

Xeer Ilaaliyuha Qaranku wuxuu bogaadiyey sidii habsamida lahayd ee qareennada u doodayey dalkeennu ay u soo bandhigeen xujooyin cad-cad oo muujinaya xaq ahaanshaha gal dacwadeedka Soomaaliya iyo mabaadida caalamiga ah ee la xiriirsan xeerka badaha. Waxa ay sidoo kale looyaradu si cad u qeexeen xad gudubka dawladda Kenaya ay ku hayso badda Soomaaliya ee ay muranka galisay. 

“Waxaan halkan umadda Soomaaliyeed uga sheegayaa, in dawladda iyo shacabka Soomaaliya oo midaysan ay diyaar u yihiin difaacidda gobonimada iyo dhul badeedka Soomaaliya, iyada oo aan rajaynayo in natiijada ka soo baxaysaa ay noqoto mid ummadda Soomaaliyeed oo dhan ka farxin doonta,” ayuu yiri xeer-ilaaliyaha. 

Waxaa halkaas ku soo gaba-gaboobay wareeggii 1-aad ee Dood afeedka badda Soomaaliya. Wareegga 2-aad goorta uu bilaabmayo Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ ayaa go’aan ka gaaraysa iyada oo wargalin doonta wafdiga Soomaaliya ku matalaya dacwadda.

Kulankii maanta ayaa Soomaaliya ay kusoo bandhigtay doodo culus. Labada qareen ee maanta hadlay ayaa soo bandhigay mowqfika Soomaaliya ee ku aaddan sida ay tahay in loo xadeeyo xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Qareenka hore ayaa sheegay inay Soomaaliya mowqifkeeda tahay in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda. Qareenada Soomaaliya waxay sheegeen in xadaynta badda ee noocaas ah loo adeegsaday xukunnadii hore ee maxkamaddu go’aamisay ee ku aaddan badaha waddamo uu muran ka dhexeeyey sida Bangladesh iyo Myanmar oo kale.

Qareennada Soomaaliya waxay sheegeen in xariiqa tooska ah uu si caddaalad ah badda ugu kala qaybinayo Soomaaliya iyo Kenya. Waxay gaashaanka ku dhufteen in xuduuddu ay ku salaysnaato loolka oo ah mowqfika Kenya. Qareenada waxay sheegeen in loolka ay Kenya ku salaynayso dooddeeda aanay jirin meel laga isticmaalo, islamarkaana uu xaqdarro ku yahay Soomaaliya.

Qareenadu waxay ku eedeeyeen Kenya inay dacwaddeeda ku salaynayso qaynuuno aan ahayn kuwa caalmaiga ah.

Qareenada Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay tallaabooyinka ay Kenya qaadday marka ya noqoto dhulka la isku hayo. Qareenada Soomaaliya u doodaya waxay sheegeen in Kenya ay ku xadgudubtay madax bannaandida dhul ay sheeganayso Soomaaliya.

Qareenada waxay kale oo ay sheegeen in Kenya ay qiratay inay bixisay shati la siiyey ugu yaraan shan shirkadood oo shidaal ka baaray dhulka ay sheeganayso Soomaaliya. Waxay Qareenadu intaas ku dareen in weliba ceel laga qoday dhulka ay Soomaaliya sheeganayso.

Waxay qareenada ugu baaqeen Kenya inay joojiso, islamarkaana waxba kama jiraan kasoo qaaddo shatiyada ay siisay shirkadahaas. Waxay sheegeen in Soomaaliya oo doonayso niyad wanaagsan derisnimo aysan doonayn inay Kenya mag dhow ka siiso xadgudubyada ay samaysay.

Waxayse qareenadu sheegeen inay Soomaaliya doonayso saddex arrimood oo kala ah: In maxkakamadda caalamiga ah ay si cad u xaqijiso xaqa ay Soomaaliya u leedahay dhul badeedkaas, inay diiwaan-geliso xadgudubyada ay Kenya samaysay, iyo la joojiyo tallaabooyinka Kenya.

Xaakimka maxkamadda ayaa ka hor intii aysan dhagaysiga soo xirin sheegtay in Kenya ay warqad usoo qortay maxkamadda ICJ, taasi oo laga doodayo. Waxaana ay xaakimku sheegatay in isbeddel ku iman karo jadwalka dhagaysiga ee maxkamadda.

ISHA: VOA SOMALI