Sawirro: James Swan iyo Yamamoto oo durba cadaadis ku billaabay Qoor Qoor iyo kulamo dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda.

Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”

Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri “Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa.

Qoor Qoor oo ka mid ah madaxweyne goboleedyada taabiciyiinta ah ee raacsan Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay in diidmadiisa shirkaas, isaga iyo Lafta-gareen uu Farmaajo u adeegsanayo inuu shirka fashiliyo.