Soomaaaliya maxaa ka xiga inay ku guuleysato dacwada badda ee maxkamadda ICJ?

Qaabka dacwada badda ay u dhaceyso:

Iyadoo la raacayo qabanqaabada iyo abaabulka dacwada badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya ee ay go’aamisay in la dhageysto Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan (ICJ), Soomaaliya waxa ay heli doontaa 3 (saddex) saacadood oo shalay ah (15-ka Maarso 2021) iyo saacad iyo bar maanta ah (Talaado 16-ka Maarso 2021), si ay u soo bandhigto dooddeeda afka ah.

Sida ku cad warqadda diiwaan-hayaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee la qoray 11-kii Maarso 2021, Soomaaliya waxay fursad u heli doontaa 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 in ay u soo gudbiso maxkamada faallooyin qoraal ah (written comments) oo ku saabsan agabka (materials) dacwada badda ee ay soo gudbisay Kenya.

Inta lagu guda jiro gudbinta faalooyinka qoraalka ah ee dacwada badda maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021, Soomaaliya waxaa laga yaabaa haddii ay ubaahato in ay ka faa’iideysato muddo kordhin gaaban oo dawada ah wixii ka dambeeya 6:00 maqribnimo si ay ugudbiso xog dheeraad ah sababtoo ah waqtigii ay qaadatay furitaanka aragtiyada kooxda qabanqaabada dacwada furtay darteed.

Fursada ay heysato Soomaaliya si ay ugu guuleysato dacwada badda:

In Soomaaliya ay hesho fursad ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ugu gudbiso faalooyin qoraal ah oo ay ku beeninayso sheegashada Kenya ee badda Soomaaliya 10:00 subaxnimo ee maalinka Isniinta ah ee 22-ka Maarso 2021 ayaa ah fursad dahabi ah (golden opportunity).  Ogoow fursadan oo kale oo ay Kenya xaq u laheyd in ay hesho waa ay dayacday sababtoo ah Kenya iyada ayaa go’aansatay in aysan dacwada ka qeybgalin, sidaa daraadeed ma heysato Kenya fursad ay hadda iyo wixii ka dambeeya ku gudbisan karto faalo qoraal ama hdal afka ah oo ay ku beeniso agabka dacwada badda ee Soomaaliya ay gudbisay.

Tan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay fursad u heysato in ay burburiso dhamaan qoraalada, cadeymaha xigashooyinka, sawirada xadka badda iyo dhulka ee ay Kenya sheegatay iyo wax alla oo ku saleysan doooda Kenya, si ay sare ugu qaadi karto fursad ah in garsoorayaasha maxkamada ay ka daadejiso doodeeda.

Marka Soomaaliya ay gudbineyso faalooyinka qoran oo ka dhan ah dhamaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya, Soomaaliya waxa ay heysataa 2 fursadood; 1) in aysan jirin cid la doodeysa oo burin karta faalooyinkeeda qoraalka ah ee ka dhanka ah agabka dacwada ee ay la timid Kenya iyo; 2) in ay ugudbiso garsoorayaasha cadeymo qoraal ah oo taageeraya doodeeda.

Ogoow markan waxa garsoorayaasha maxkamada ay isbar-bar dhigayaan ayaa ah agab (materials) dacwo oo cidda la timid (Kenya) aysan goob joog ahayn, tii oo ay dheer tahay in aan la cusbooneysiin (updated) inta dacwada ay socotay iyo faalooyin qoraal ah oo ay Soomaaliya dul dhigtay dhamaan agabka dacwada badda ee Kenya si ay u beeniso iyo Soomaaliya oo dood afka ah iyo mid qoraal ahba la shir tagtay. Maqnaashaha Kenya ee ah in ay lumisay fursada ah in ay xaq u laheyd sida Soomaaliya oo kale in ay gudbisato faalooyin qoraal ah oo ay ku naqdineyso agabka dacwada ee Soomaaliya ayaa fursad weyn siinaya Soomaaliya si ay u heli karto in ay guul ka gaarto dacwada badda.

In Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda ee kala dhexeysa Kenya waxa ay uga xirantahay sida ay kooxda ku mataleysa Soomaaliya dacwada badda xoogga u saaraan in ay la yimaadaan doo mann-gal ah iyo cadeymo ay ku beninayaan agabka dacwada badda ee ay gudbisay Kenya. Sababta arinkan ay muhiim u tahay ayaa ah in faalooyinka qoran ay ka saameyn badan yihiin 4-ta saac iyo barka ay Soomaaliya gudbinayso dood jeedinteeta dacwada badda ee afka ah.

Hadii kooxda Soomaaliya ku mataleysa dacwada badda ay ahmiyad weyn siiyaan shaqada faalooyinka qoraalka ah ee lagu naqdinayo agabka dacwada badda ee Kenya, waxaa sare u kacaya saameynta ay ku yeelanayaan go’aan qaadashada garsoorayaasha maxkamada, markaa Soomaaliya waxa ay helaysaa fursad xageeda loo ridi karo go’aanka dacwada badda.

Gabagabo:

Kuma dhisna dacwada badda ee udhexeysa Soomaaliya iyo Kenya hab la dhihi karo dal hebel ayaa ku guuleysanaya dacwadan marka la eegayo qawaaniinta iyo xeerarka badaha, laakiin marka loo eego dacwadaha la midka ah tan hadda udheeysa Kenya iyo Soomaliya ee ay qaday maxkamada ICJ waxa ay u badantahay in Soomaaliya ay hesho gacanta sare. Laba arin midkood ayaaana taageeraya arinnkaas oo ay tahay in ay ku dhamaato dacwadaan go’aan qaadahsadeeda. 

Tan koobaad, waa in la saadaanlinkaray guusha Soomaaliya ee dacwadan markasta sababtoo ah hab-dhaqanka Kenya oo muujinayay cabsi weyn oo ka heysay in ay la dacwooto Soomaaliya. Marka aan sidaa leeyahay, Kenya waxa ay ku dooday in Soomaaliya ay badda ka heshiiyeen tii oo ay Soomaalida la taagantahay ICJ in aysan waxba kula heshiin – dacwada badda waxaa kaxkamada ICJ ka furtay Soomaaliya.

Kaba darane, Kenya waxa ay usheegtay maxkamada ICJ in aysan awood u laheyn (jurisdiction) in ay dacwadan qabato, dhageysato, go’aana kasoo saarto. Markii maxkamada ay ucadeysay Kenya in ay dacwada awood u leedahay in ay qaado, Kenya waxa ay laba mar codsatay in dacwada dib-loogu dhigo. Hadda, maxkmada waxa ay Kenya ka diiday in markii sadexaad codsigeeda dib loogu dhigo dhageysiga dacwada.

Sidaa daraadeed, Kenya waxa ay go’aansatay in guuldaro ay xaqiijisay in ay la kulmi doonta in ay ka dheeraato (in ay ka maqnaato goobta ay ku guul dareysaneyso oo ah ICJ horteed). Tan, Kenya waxa ay ula jeedaa in ay raadiso wada kale in ay ku doodo mar kale in aysan ogoleyn go’aanka kasoo baxa maxkaada hadii ayada uusan siin guusha. Marka Kenya ay sidaa yeelayso waxa ay ku khamaareysaa nafteeda sababtoo ah waxa ay ogtahay in go’aanka maxkada uu sandulle ku yahay in ay aqbasho, laakiin hadda waa ay is mada-daalineysaa. Sababtoo ah go’aanada kasoo baxa ICJ ma lahan meel ka dambeysa oo lala aado.

Tan labaad, Soomaaliya ayaa heysata fursad kale oo ah in dacwadaha badda oo noocaan oo kale ah ay ku wada guuleysteen dalaka lahaa ama qabay dooda Soomaaliya oo kale. Ma ogi hadii markaan ay maxkamada ICJ wax u go’aami doonto si ka duwan sida dacwadihii la midka ahaa tan Kenya iyo Soomaaliya. Laakiin ayada oo fursadahaan oo dhan ay jiraan waa in aysan Soomaalida is-dhigan oo dadaal wadajir ah la sameeyo. Dadaaladaa oo ay ka mid tahay in qof walba oo ah muwaadin Sooaamliyeed uu sameeyo wax alla iyo waxa uu karo oo u uku taagerayo in libin laga soo hooyo wacwada badda. Kii awooda duco kaliya waa in uu sidaa sameeyaa oo uu u duceeyaa dadka dacwada nagu matalaya in allaah u haleeshiiyo qodobada Sahlaaya in Soomaaliya ay ku guuleysato dacwada badda, midkii aqoon u leh dacwadaha noocaan oo kale ah waa in uu ku kabaa aqoontaas, kii faalo ka bixinaya waa in uu ka bixiyaa dacwadan inta ay socoto faalo aanan niyadda ka jabinayn ummadda Soomaaliyeed ee shakiga la galiyay wax walba oo ku saabsan dalkooda iyo noloshooda.

Qoraaga faalladan, Abuukaate (Avv.) Abdullahi Farah Barre, waxaad kala xiriiri kartaa facebook: facebook.com/abdullah.farah.50/