AXMED MADOOBE oo war kasoo saaray go’aanka FIET ee doorashada Garbahaarey

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay go’aankii uu maanta guddiga doorashooyinka heer Federaalka doorashada kuraasta Garbahaarey ugu wareejiyay Ceelwaaq.

Go’aanka guddiga ayuu madaxweynaha maamulka Jubbaland ku macneeyay mid lagu dardar-galinayo doorashooyinka deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa markale ku celiyay in aan kuraasta taala gobolka Gedo laga reebayn doorashooyinka guud ee dalka, islamarkana ay lagama maarmaan tahay qabashada kuraasta gobolkaas taala si dadka deegaanka ay u helaan matalaad dhab ah.

“Waxaa marwalba muhiim ah in gobolkaas ay kasoo baxaan Xildhibaano ku yimid rabitaanka bulshada deegaanka oo aan meel kale oo gobolka aheyn loo rari karin doorashada, taasi oo qasabtay in laga wareejiyo Garbahaarey oo ay ka jirin kalsooni iyo xasilooni doorasho lagaga qaban karo,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dooday in sababaha u weyn ee doorasho uga dhici karin Garbahaarey xiligaan ay tahay in aan la damaanad qaadi karin nabad-gelyada dadweynaha iyo ergooyinka halkaasi tagi lahaa.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay guddiyada doorashooyinka ee kala duwan inay sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo gaba-gabeeyaan doorashooyinka xildhibaanada ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland, si looga faa’iidaysto wakhtiga oo dib u dhac kale aanu u iman.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay dadweynaha ku nool magaalada Ceelwaaq inay kala shaqeeyaan hay’adaha amniga nabad-galyada deegaanka, soo dhawaynta martida iyo ergooyinka ka qeyb qaadanaya doorashooyinkan.