Guddiga FEIT oo shaaciyey magaalada loo wareejiyey doorashadii Garbahaarey

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa goordhow ku dhowaaqay in doorashadii 16-ka kursi ee magaalada Garbahaarey loo wareejiyey magaalada Ceelwaaq ee isla gobolka Gedo. 

Guddiga ayaa sheegay inuu go’aankan gaaray markii uu arkey inay lagama maarmaan tahay 16-ka kursi ee taalla Garbahaareey inaysan ka harin hanaanka doorashada dalka, xilli maanta la dhaariyey xildhibaanada cusub.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay caqabado amn ku hor gudban yihiin inay doorasho ku qabsoonto Garbahaareey, islamarkaana maamulka Garbahaareey ay diideen in xubno ka socda Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Heer Federaal ay ku tagaan booqasho loogu kuur geli lahaa in la soo hubiyo xaaladda Amniga magaalada Garbahaareey.

Wada uu intaas ku daray in guddiga go’aankiisa ay qeyb ka aheyd markii uu arkey cabashooyinka beelaha kuraastoodu taalla magaalada garbahaareey.  

“Markuu guddiga garwaaqsaday inaysan suuragalahayn inay doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaareey waxaa lagama maarmaan u noqotay in meel kale oo dadka u dhaxeyso amnigeeduna sugan yahay la helo. Guddigu waxaa uu go’aamiyey in doorashada garbahaareey laga bedelo laguna bedelo in doorashada lagu qabto Magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Caasimada Online ayaa dhowr toddobaad kahor shaacisay qorshaha doorashada Garbahaarey loogu wareejinayo magaalada Ceelwaaq, qorshahaas oo Axmed Madoobe uu kala hadlay saraakiisha ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM inay sugaan amniga. Halkan ka aqriso xogtaas.