Axmed Madoobe oo xilka ka qaaday la-taliyihiisii gaarka ahaa iyo saaxiibkiis

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) ayaa xilkii ka qaaday lataliyihiisa arrimaha siyaasadda Cabdi Cali Raage.

Axmed Madoobe ayaa warqad ogeysiin ah u diray hay’addaha Jubbaland, kuna wargeliyay in Cabdi Cali Raage uusan dowlad goboleedka Jubbaland matali karin laga bilaabo maanta.

Warqada ka soo baxday madaxweynaha ma uusan ku sheegin sababta rasmiga ah ee loo cuskaday xilka ka qaadista, iyadoo la ogaa in Cabdi Cali Raage ahaa saaxiibka ugu dhaw madaxweyne Axmed Madoobe, kaasoo dadka danaha ka leh madaxweynaha isaga u sii mari jiray.

Waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya inuu mudooyinkanba jiray khilaaf u dhexeeyay madaxweynaha iyo la taliyihiisa arrimaha siyaasadda, kaasoo dhowr jeer la isku dayay in lagu boxo xal ka gaaristeeda, balse isku dayo dhowr ah oo la sameeyay uu fashilmay.

Halkan Hoose ka Aqriso Warqada madaxweynaha ka soo baxday: