8 farqi oo u dhaxeeya 12-ka April ee shalay iyo maanta

Waxaa jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xuskii 12 April ee shalay iyo kan maanta, maalintaan oo ah maalin u gaar ah ciidanka xoogga ayaa lagu weyneen jiray gaadda ka ciyaar ay sameeyaan ciidanka, kubadda cagta oo la ciyaaro iyo madaxda oo ku booqato ciidanka xeryahooda si ay ugu marxabeeyaan dhalashadooda.

Hadaba waxaa halkaan kusoo koobayaa inta ugu muhiimsan isbadalka ka muuqdo xuska 12 April, waxaana jiri karo qodobo kale oo taabanaya isbadalka maalintaan oo laga yaabo in aan ka tagay.

1- KALA WAREEG MA JIRIN:- Jid looma xiri jirin maalinkaan u asteysan yagleelidda ciidanka xoogga dalka, shacabka ayaana ahaa kuwo ka qeyb qaata weyneenta maalinkaan, waxaana maanta aragnaa in shacabka laga xiray jidadka, aragti xunna laga tusiyay maalinkaan.

2- LAMA SOO HOR MARIN JIRIN, LAMANA DIB DHIGI JIRIN:- Xornimadii ka dib, illaa iyo dowladdii kacaanka meesha ka baxdo ma dhicin in lasoo hormariyo ama la dib dhigo maalintaan iyada ah, waxeyna madaxda agtooda ka aheyd mid ceeb ah, kumana aysan dhiirran jirin, maantase waa aragnaa.

3- NIYAD DHIS CIIDAN:- Madaxdii hore ayaa maanta oo kale xeryahooda ku booqan jiray, si ay niyadda ugu dhisaan ciidamada, waxeyna kala qeyb qaadan jireen maalintooda weyn, mararka qaarna waddooyinka Muqdisho ayey gaardis kumari jireen, haddase waxaa laguso koobay in tiro yar oo ciidanka ka mid ah gaadda ka ciyaar kusoo bandhigaan xarunta wasaaradda gaashaandhigga, muuqaal laga soo duubayna laga sii daayo muuq baahiyaayaasha.

4- JAHWAREER MAAMUL:- Ma dhicin wali in saddax sanno oo isku xigto ay ciidanka xoogga la dabbaal-dagaan, saddax wasiir gaashaandhig iyo saddax taliye xoog, waana mid kale oo muujineysa kala duwnaashaha maalintaan iyada ah, dadkii waaya u joogga ahaana waxey ku fasiraan maamul xumo, waxeyna aaminsanyihiin in uusan jirin nidaam ciidan oo sax ah iyo saraakiil ciidan oo nadiif ah, darajo kastoo ciidanna lagu bixiyo qaab qabiil.

5- LAHAANSHIYO:- Ciidankii hore ayaa ahaa kuwo u arkay in maalinkaan iyada ah ay u gaar tahay, maadaama ay ku asteysantahay yagleeliddooda, balse ciidanka haatan jira ayaa ah kuwo aan maanka ku heyn, xusuustoodana ku jirin bilashada maanlinkaan, waxeyna ku baraarugaan ciidanka qaarkood marka madaxdooda soo wacaan kuna wargelinyaan in la joogo maalintoodii.

6- WADA SHAQEYN CIIDAN:- Marka ay timaado xuska noocaan ah waxaa wada shaqeyn jiray ciidanka Booliska iyo kan Milteriga, waxey Booliska sugi jireen amniga maalinkaan, halka Milteriga oo ay maalintooda tahay guda gali jireen ka qeyb qaadashada fantasiyaha maalinkaan, hadda waxaa aragnaa in ciidankii Milteriga ay fadhiyaan jid walba ee magaalada ka mid ah iyaga iyo gawaaridooda dagaalka, waxaa mararka qaar dhacda in Booliska ay isku dhacaan, iyagoo dhahaya maanta anagaa leh, waa halka maalin ee aan duurka kasoo baxno, ee hanagu qash qashaadinina, tanina waxey kuu sawireysaa isku xirnaan la’aanta saraakiisha

7- ISU-DIYAARIN:- Maalinkaan ayaa loo sii diyaar garoobi jiray marka bisha ay dhalato, waxeyna ciidanka sameyn jireen wax cajiib ah, waxaa farxadda ka muuqato laga dheehan jiray in ay ciiddooda tahay, haatanna waxaa aragnaa in iska dhaaf in ciidanku u diyaar garoobaane lagasoo durjiyo maalinteedii, go’aaminta maalintaanna ay noqotay mid siduu doono uu ka yeesho masuulka kursiga ku fadhiyo markaas.

8- DAREEN SHACAB OO KALA DUWAN:- Shacabkii hore iyo midka maanta ayaa ku kala duwan dareenka maalinkaan, shacabkii hore ayaa ahaa kuwo la falgalo ciidanka, waxeyna askariga ugu marxabeyn jireyn maalintiisa Ciidda ah, halka kuwa maanta dareenkooda maalinkaan yahay jid xiran, iga laabbo, kala wareeg, maanta anagaa leh magaalada, nagu xushmeeya maalinteenna iyo wax la mid ah, taas oo qofka shacabka ah ku riixi karto in uu ka dido ciidanka iyo maalmahooda Ciidda, sida hadda aan aragno in maalin ka hor lasii dhaho “berri waa maalinta ciidanka xoogga, soc-socod majiro, jidkuna waa qab”.

W/Q: Nuune Ali Hassan