Cabdi Casiis ma noqon kartaa xaafad diblumaasi?

Sida uu sheegay duqa Muqdisho, ENG Yariisow waxaa Xaafada Xeebta laga dhigayaa Xaafad ay dagaan Safaaradaha, waxaana la siinayaa dhul dan guud ah oo ay Dowladda leedahay. Hadaba waxaa is waydiin mudan Su’aalahaan:-

  1. Cabdi Casiis waa dhul Xeebeed loo dalxiis tago, Dowladdana ka hesho Dakhli, Sharcigana ma ogala in la bixiyo Dhulka Xeebta. Fiiri Q. 7-aad, Xeer No 10 ee 1981, hada maxaa Sharci ah oo loo cuskanayaa ?
  1. Xaafad Diblumaasi waa meel aad loo adkeeyey Amaankeeda, waxayna Diblumaasiyiinta xiran karaan Casirkii, mana loo ogala sida caadiga ah gaari aan wadan Calaamad Diblumaasi. Hadaba meel la xiran karo xilli kasta siday ku noqon kartaa goob loo dalxiis tago Habayn iyo Maalin?
  1. Hadii loo baahdo dhul ay dad gaar ah leeyihiin, Dowladda si qasab ah waxay uga qaadi kartaa Muwaadinka si dan guud loogu isticmaalo, fiiri Q 26-aad ee Dastuurka, hadaba Safaaradaha ma yihiin dan guud, si dhul looga qaado Hanti Muwaadin haysto Sharci?.
  1. Dhulka Dowladda ayada ayaa iska leh Waxaana u baahan Hay’adaheeda, Isbitaalada, wax-barashada, Dalxiiska iyo Kayd ahaanba, Hadaba ma banaantahay in la siiyo Safaarad Ajnabi, si uu u noqdo Dhul Dalka Safaarada raacsantahay leedahay?.

Talo soo jeedin:

Bixinta Dhulka waxuu noqdaa sida Xeer No 10 ku qoran mid rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn, hadaba aniga waxaan soo jeedinaya in dhul rasmi ah aan la bixin, Safaaradaha meelo ku meel gaar ah la siiyo, Dhulka Xalane ee Amisom dagantahayna loo aqoonsado meel Diblumaasi, maadaama uu yahay goobta ugu haboon Amni ahaan, kana baxsan Magaalada, Garoonkana u dhaw.

W/Q: Garyaqaan Cali Sheekh Adam Yuusuf “Cali Somali”