Ma laga yaabaa in Somalia daymaha loo haysto loga cafiyo hal arirn darteed?

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa in maanta dalalka caalamka ay ka dalbato inay ka cafiyaan deymaha tirada badan ee lagu leeyahay, waxaana la filayaa in codsigaasi uu ku dhawaaqo wasiirka maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa qorsheynaya in dalalka Caalamka uu ka dalbado cafinta deymaha tirada badan ee lagu leeyahay Soomaaliya, waxaana uu u sababeynayaa xaaladaha dhanka bini’aadanimada ee ka jira dalka.

Waxaa isweydiin mudan miyay dalalka Caalamka Soomaaliya ka cafin doonaan deymaha ay ku leeyihiin, iyaga oo eegaya xaaladaha dhanka bini’aadanimada ee ka jira dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo isweydiin Mudan dadaaladii ay waday xukuumadda Soomaaliya ee ahaa buuxinta sharuudaha Deyn cafinta, halka ay ku dambeeyeen maadaama wasiir Beyle Cafinta deynta uu ku saleynayo xaaladaha dhanka bini’aadanimada ee ka jirta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa marar badan sheegay in meel wanaagsan ay marayaan sharuudaha deyn cafinta Soomaaliya, waxaana maanta la filayaa inuu khudbad ka jeediyo machadka Nabadda ee dalka Mareykanka.

Si kastaba, Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacag gaareysa $4.6 Bilyan, waxaana deymahaas ku leh dalalka Mareykanka, Faransiiska, Talyaaniga iyo hay’ada IMF iyo Bankiga Aduunka, iyadoo Xukuumada Soomaaliya ku dadaaleyso sidii deymaha loo cafin lahaa.

7-dii  Bishan, waxaa dalka Mareykanka u dhoofay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, waxaana socdaalkiisa ku wehlinayay Wasiirada Maaliyada iyo Qorsheynta, Hanti-Dhowrka Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha guud ee cusub ee Bankiga Dhexe, Saraakiil NISA ah iyo xubno xafiiskiisa ka shaqeeya.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
Caasimada@Live.com