Qorshaha DF ee shacabka Xamar: Dayac, hala dooxo, oo ka daahi daryeelka.!!

Ka hor Aamin Ambulance iyo inta ay shaqeeneysay 12-kii sanno ee lasoo dhaafay, ma jirin gawaari kale oo gar-gaarka deg degga ah ka shaqeeya marka la joogo Muqdisho.

GOORMA AYEY TIMID AAMIN AMBULANCE?

Aamin Ambulance oo ah Hay’ad si mutadawacnimo ah uga shaqeyn jirtay gurmadka deg degga ah ayaa timid xilli loo baahna, dalkuna ku jiray xaalad dagaal, oo ay adkeyd in loo gurmado qofka ku waxyeelooba dagaalada socda.

Dadka ku dhaqan Muqdisho oo subax walba kusoo toosi jiray daryanka madaafiicda, habeenkiina hurdada kaga baaqsan jiray dhawaqa rasaasta nuucyadeeda kala duwan ayaa dhaawacyada ku qaadan jiray gaari-gacan iyo gaari-dameer, taas oo ay ka dhaxli jireen silac, daryeel xumo iyo daah oo ugu dambeyn qofka dhaawaca ah u sababta geeri.

MAXAA IS BADALAY MARKA AY TIMID AAMIN AMBULANCE?

Shacabka Muqdisho oo ku sugnaa xaalad ay farxad u aheyd in ay arkaan gawaari Ambulance oo u qaada qofka dhaawaca ah, iskaba daa in ay ku fakaraan nabad iyo xasilooni ayaa aad usoo dhoweeyay imaashiyaha ha’addaan ee diyaarka u ah in ay ugu shaqeyso sida bilaash ah.

Waxaa billaawday wada shaqeyn wanaagsan oo ka dhex dhalatay shacabka Muqdisho iyo Aamin Ambulance, taas oo sababtay in hay’addan ay kasoo gudubto kaliya qaadista qofka dhaawaca ah oo ay u gurmadaan hooyooyinka foosha ah iyo qofka xanuun daran uu ku dhex qabto hooygiisa, waxaana meesha ka baxay in la arko qof dhaawac ah oo lagu sido gaari-gacan ama gaari-dameer.

MAXAY KU JIRTAA DANTA SHACABKA?

Shacabka Muqdisho oo wali baadi goob ugu jira qof dusha saarto amnigooda si dhowna uga warhaayo, maankana ku haayo howsha quruxda badan oo ay u heyso hay’addaan, kana fogaanaya in ay ku abbaal dhacaan, ayaa u arko dantooda in ay sii shaqeyso Aamin Ambulance, waxaana yaab iyo amakaag ku noqday go’aankii dowladda ee ahaa shaqo ka joojinta Aamin Ambulamce.

Dowladdaan haatan jirta ayaa ah dowladda kaliya ee u aragtay u gurmashada shacabka ka qeyb qaadasho ammaan darri, waxaana xusid mudan in Aamin Ambulance ay aheyd hay’adda kaliya ee awoodda in xilli kasta iyo goob kasta ay ugu gurmato shacabka, taas oo aysan hore u sameyn dowladda.

MAXEY TAHAY DANTA UGU JIRTO DOWLADDA ERYIDDA AAMIN AMBULANCE?

Inkastoo aysan caddeyn u jeedka dhabta ah ee dowladda ku riixay joojinta adeeggaan gurmad ayadoon wax badiil ah u heyn shacabka, goob walba iyo xilli walbana ugu gurman karin, hadana warbixin uu bartiisa Facebook kusoo daabacay Cabdinuur Maxamed Axmed oo ah agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya waxaa ku jiray qodob taabanaya in looga shakiyay ka qeyb ahaansho amni darrada jirta.

Waa ceeb kale oo ay dhex istaagtay dowladda, waxuu ahaa go’aan aan farxad galin shacabka Muqdisho, waxey isku dayeen in ay inkiraan, waxaase ugu dambeyn hadlay agaasimaha Aamin Ambulance Dr. Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo shaaca ka qaaday in dowladdu ku amartay in aysan tagi karin goobaha qaraxyada ka dhacaan, aysanna u gurman karin dadka ku waxyeelooba.

MAXUU KUSOO BIYA SHUBANAYAA GO’AANKA DOWLADDA?

Go’aankaan hadduu hirgalo, shacabka Muqdishana la tixgelin waayo rabitaankooda waxuu isugu biya shuban doonaa “Dayac, hala dooxo, oo ka daahi daryeelka”.

W/Q:- Nuune Ali Hassan

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid