Axmed Madoobow hadii aad ka bixi weydo guriga albaabkisa, seebaad uga filan kartaa in albaaka cid kaaga soo gasho?

Axmed Madoobe wuxuu ku dooday in guryaha albaabkooda laga soo galo asagoo ula jeeda “waa in Jubbaland aniga la iisoo maro, gargaar aadaminimo iyo wax kale kay ahaataba. Wuxuu kaloo ku dooday in waxkasta ay federaalyihiin xitaa ciidanka Xoogga Dalka. “Ciidanku waa Federaal” asagoo ula jeeda in difaaca dalka laa maamul goboleediyo. Wuxuu isku subkay cadar waddaniyadeed iyo Qalbidhagax ayaan booqday oo aan arintiisa ku jiraa. Khaliijka iyo Imaaraad iyada meel inoo dhig.

Labada qodob oo ah guryaha in alabaabbadooda laga soo galo iyo tan ciidanka XD Soomaaliyeed aan in yar ka taabano.

Axmedow hadii aad ka bixiweydo guriga albaabkisa, seebaad uga filan kartaa in albaaka cid kaaga soo gasho? Gedo iyo Jubbaland dhibkeeda hadii aad u istaagi weydey, see u dalban kartaa in adiga wax laguugu dhiibo? Shacabka yaa masuul ka ah oo daryeelkiisa leh? Maxaa kuu diiday in sidii Waare aad dadka Soomaaliyeed ee Jubbaland aad dowladdooda ula hadasho gurmadna u weydiiso? Gedo ma kugu kalsoontahay? Jubbada Dhexe meel maku sheegi kartaa? 5 sano maxaa kuu diidey in aad Kismaayo dhaafto? Maxaad u diiddey isku dhafka ciidanka iyo furidda jidka Kismaayo iyo Muqdisho xilligii Dowladdii Xasan Sheekh?

Tan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa masuuliyad dowladda dhexe, mana ahan wax gobol u yaal ama uu farogalin karo. Alhri dastuurka.

Ugu dambayn, Qalbidhagax Soomaali waxay ogsoontahay in aad masaafuriskiisa kow ka ahayd uuna raacay diyaaraddii lagu dhoofiyey la talaiyahaaga aadka loo yaqaan laguna tilmaamo mulkiilaha Jubbaland. Soomaalidu way soo jeeddaa. #LIBAAX #NIN_GANAY_IYO_NIN_GALLADAY_KALA_OG

W/Q: Raage Ugaas