Faahfaahin ku saabsan madaafiic lagu garaacay qeybo kamid ah Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro Madaafiic ah ayaa goor dhow ku soo dhacay qeyb ka mid ah degmada Wartanaba ee gobolka Banaadir kuwaas oo khasaaro kala duwan geystay.

Madaafiicda ayaa ku dhacday agagaarka Stadium Muqdisho iyo xaafadaha ka ag dhow, warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid Madaafiicda uu ku dhacay Guri ay daganaayeen Qoys islamarkaana khasaaro u geystay Qoyskaas.

Waxaa sidoo kala jira khasaaro kale laakiin macado inta ay la egyahay khasaaraha ka dhashay Hoobiyaashaasi.

Sidoo kale Wariyayaal goobta ay hoobiyasha ku soo dhaceyn gaaray ayaa waxa ay sheegeen in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay Guri ay dad Shacab ah ay degan yihiin,isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 5 ruux oo guriga ku sugnaa kuwaas oo loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho.

Weli macada cidda hoobiyayaashaas oo tuurtay iyo halka lagu waday,balse Xarunta Xisbiga oo wararku ay sheegayaan in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay in shalay xukuumadda Soomaaliya ay ku soo bandhigtay Ciidamo isku-dhaf ah oo loo diyaariyey amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xarunta Xisbiga ee Muqdisho waa taliska Ciidamada xasilinta Muqdisho halkaas oo uu xalay Ra’isalwasaare Kheyre ku soo bandhigay Ciidamada  Xasilinta ee Bisha Ramadaan sugaya amniga Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com