Khilaafkii DF iyo maamul goboleedyada oo soo cusboonaaday, hal sabab darteed

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada. “Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu hadalkan jeediyay markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo isagoo dhowaan safar ku soo maray itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii hore go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka noqoto , waxayna ku baaqday in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo.

Balse Axmed madoobe ayaa ku eedeeyay dowladdu inay arrintaasi ka weecatay oo ay hadda la safatay Qadar.

“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dowladda federaalka ayaa ku adkeysatay in mowqifkeedii dhexdhexaadnimada uusan waxba iska beddelin.

Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey.

Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah.

16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna uu la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qotodheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka.

18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay mowqifka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar.

Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka.

Maamul goboleedyada aanan weli wax go’aan ah ka qaadan, islamarkaasna aanan wax hadal ah ka soo saarin ayaa ah Jubbaland iyo Hirshabeelle oo iyadu maalmo uun kahor loo doortay madaxweyne cusub.

10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safan tahay Sucuudiga iyo Imaaraadka, isla markaasna ay xiriirka u jartay Qadar.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo degenaanshaha, isla markaasna ka soo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxay taageertay mowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar”.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com