Axmed Madoobe oo sheegay in DF ay Muqdisho oo kaliya galiso deeqaha shisheeye  

Kismaayo (Caasimadda Online) –  Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah aanay waxba ka caawin Maamulkiisa dhinac kasta oo ay tahay, isaga oo iska indhatiray deeqda joogtada ah iyo mushaharaadka ciidamada jooga deeganada jubaland in ay bixiso Dowladda dhexe.

Wuxuu intaas ku daray in Dowladda dhexe keliya aanay soo dhaafin dakhliga soogala, waxay imaanaysaa hadalkiisan kadib markii uu UAE ku maqnaa asbuucyo si loogu soo diyaariyo barnaamij uu Dowladda dhexe kula dagaalamo ama ay u ogolaato in UAE lala safto arinta la xiriirta qalalaasaha khaliijka.

Axmed Madoobe ayaa Dowladda dhexe ku eedeeyey in ay yimaadeen deegaanada Jubaland oo fatahaado uu geystay wabiga Jubba awgiis wafti ka socday Dowladda dhexe ay gaareen si ay uga qeyb qaataan gargaarka dadkaas, kadib markii uu ka gaabiyey maamulka Jubaland u gurmashada dadkaas. Balse Axmed ayaa ku celceliyey waa in ay albaabada kasoo gasho Dowladda dhexe ee aanay noo gacan dhaafin maamulkayga.

Iskusoo wada duuboo Axmed Madoobe ayaa u arka mashruuca UAE ee dekedda Berbera mid sax ah oo aan faragelin ku ahayn Soomaaliya, isaga oo doonaya in Dowladda Dhexe ay marti uga ahaato kaalmeynta dadka ay saameeyeen fatahaadaha.

Mudane Madoobe ayaa ku wareersan siyaasadda uu raaci lahaa si uu ugusoo laabto markale kursigiisa, iyadoo magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbahaysi mucaarad ah oo kasoo horjeeda dhaqanka siyaasadeed ee Axmed Madoobe ku maamulo Jubaland.