Axmed Siilaanyo oo go’aan ka qaatay fannaanada Yurub Geenyo

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo uu cafis u fidiyay Fannaanada Yurub Geenyo.

Maamulka Somaliland ayaa dhawaan Fannaanada Yurub Genyo ka mamnuucay tagitaankeeda magaalada Hargeysa oo xiligaa oo ay ka maqneyd.

Yurub Genyo oo muddo ku dhow sanad deegan ku aheyd magaalada Muqdisho, ayaa iminka aad usoo dhaweysay go’aanka uu Siilaanyo cafiska ugu fidiyay.

Fannaanada Yurub Geenyo ayaa horay uga tirsaneyd Kooxda Fanaaniinta Xiddigaha Geeska ee Fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, waxa ayna dhawaan sheegtay inay isaga baxday Kooxdaasi.

Sidoo kale, Fannaanada ayaa iminka dib ugu laabatay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan in horay ay u sheegtay inaanu jirin cid ka hor istaagi karta tagitaanka Hargeysa

Docda kale, maamulka Siilaanyo ayaa horay magaalada Hargeysa uga mamnuucay Fannaanka da’da yar Nimcaan Hilaac oo iminka deegaan ku ah magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com