25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

B/Caalamka oo doorashada dalka kala hadlay Xaliimo Yarey kadib saxiixii Farmaajo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiillo ka socda Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xubno ka socda Qaramada Midoobay iyo Saaxiibada caalamiga ahi ee Soomaaliya ayaa waxaa ay shir ka yeesheen howlaha doorashooyinka soo socda ee bilaabanaya Sanadka 2020.

Kulanka oo ahaa mid lagu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa looga wada hadlay tallaabooyinka xiga ee diyaarinta doorasho qof iyo cod ah, kadib markii Madaxweyne Farmaajo saxiixay Jimcii sharciga doorashooyinka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu wadaagay macluumaadka doorashooyinka, waxaa wada guddoominayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliima Ismaaciil, iyo Wakiilka UNDP Soomaaliya, Jocelyn Mason, iyadoo hoosta laga xariiqay xaqiijinta doorasho dalka si nabdoon uga dhacda 2020.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa weli waxaa ay ku adkeysanayaan in dalka ay ka dhici karto dooraho qof iyo Cod ah, iyada oo dad u badan Siyaasiyiin ay aaminsan yihiin in doorasho qof iyo Cod ah dhici kari sababo amni aawgeed.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Xaliimo Yarey ayaan sidoo kale weli la iman wax qorshe ah oo ku aadan habka ay ku dhici karto doorasho qof iyo cod ah, waxaana laga cabsi qabaa inay waqti lumineyso, si xilli dambe ay u tiraahdo doorasho ma dhici karto.

- Advertisement -

Read more

Local News