Gaari ay la socdeen shacab oo lagu qarxiyey gobolka Gedo

Beledxaawo (Caasimada Online)  – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo barqanimadii maanta ka dhacay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo lala beegsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen dadka shacab ah, xilli uu marayay deegaankaa Uunsi oo 17 KM dhinaca waqooyi kaga beegan Beledxaawo, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan hal qof, ayada oo ay ku dhaawacmeen 3 kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka la qarxiyay.

Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayaa waxaa la geeyay gudaha degmada Beledxaawo oo haatan lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay waddada uu qaraxu ka dhacay, balse ma jirto cid ay usoo qabteen falkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Gedo iyo kan degmada oo ku aadan dhacdadaasi, taas oo xanuun ku reebtay dadka deegaanka.

Qaraxan ayaa qayb ka noqnayo falal amman darri oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay gobolka, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo qarax ahaa uu ka dhacay Ceelwaaq.

Si kastaba, Gedo ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado siyaasadeed oo ka dhashay magacaabista maamulka cusub ee uu gobolkaas u magacaabay madaxweyne Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa maalmihii dambe kordhisay weerarada ay ka fuliso Gedo, Jubbooyinka iyo xittaa deegaanada ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.