31 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Baaq ku wajahan xaalada Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaan Marka ugu horeysa soo dhaweyneynaa aragtida cusub ee Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Jawaari. Waxaan ka rajeyneynaa in asaga iyo ku xigeenadiisa ay si Dhab ah u Gutaan Waajibaadkooda Shaqo ayaga oo aan Cid na uga hibeysaneynin shaqadoda Dastuuriga ah. iyo Habsami u socod ka howlaha baarlamaanka. Cidii isku daydo in ay carqaladeeyaan na ay u tiigsadaan Sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka. Waa in Amniga Baarlamaanka la adkeeyo markii Mooshinka Doodiisa la dhageysanayo. Gudaha iyo banaankaba.

Waxaa sharaf muteystay , xildhibaanada Mooshinka kalsoonida xukummadda keenay , sida sharafta leh oo ay u ilaaliyeen sharafta iyo karaamada Astaanta Qaranimo. In ay san ku dayanin saaxiibadooda ka door biday Fowdo badalkey dooda dhageysan lahaayeen aragtidoodane ka dhiiban lahaayeen. Oo ay Baarlamaankii ka dhigeen Goob Fadhi ku dirir ah. Ayagane waxaan u direynaa fariin ah. In ay si xishmad iyo karaamo mudaneyaal baarlamaan ah ay mooshin ka aragtidooda uga dhiibtaan.

Madaxweynaha iyo Pm ka waa in ay Sharciga ilaaliyaan oo ay Baarlamaanka ka Natiijadiisa ku kalsoonaadaan. Wadanka Soomaali ayaa iska leh. UN iyo beesha caalamka waxaa naga dhexeeyo oo kali ah in Dan ta guud aan ka wada hadli karno. wixii Daaqili ah na waa in ay soomaalida Faraha uga Qaadaan. Ku meel Gaar Ka gudubnay.

Raisul wasaaraha waxaa la Gudboon, Maadaama asaga iyo madaxweynaha, inta badan Golihii wasiiradda ugu muhiimsanaa uu Kalsoonidoodii iyo wada shaqeyntoodii lumiyey, Waa in uu Go,aan Adag Qaato. oo uu isku kalsoonaado.Arinta mooshinka baarlamaanka ka codsadeen. Ama in uu Iscasilo asaga oo dhowrayo Sharafta iyo Qaranimada , Qiimeynayana siyaasada Dalka.

Madaxweynaha waxaan kula dardaarmeynaa in uu san ku fududaan oo uu ka fiirsado Qofka XIGa. OO mudada kooban ee harsan la jaanqaadikaro siyaasadda Dalka 18 ka bilood ee ka harsan hiigsiga 2016. Waa in uu ahaado Qof ama shaqsi hanan karo Kalsoonida Beesha caalamka iyo ummadda soomaaliyeed. Aqoon ahaan iyo siyaasad ahaan ba. Dabcan asagoo tix -gelinaayo Awood qabsiga Dalka sida hada Wax loo wadaagay. Shaqsi ka mira dhalin karo Maamulada curdunka ah , Sida Juba, Baidhoba, khaatumo iyo Gobollada dhexe oo la filayo mudo dhow.

Madaxweynaha waxaa laga doonayaa in uu si Dar-dar gal ah uu dibuheshiisiin iyo maamul ba ugu sameeyo Gobalada kale ee u oo-man in ay maamul yeeshaan. Madaxweynaha waa in uu wasaaradda Garsoorka iyo Gudiyadda baarlamaanka ee Garsoorka uu ka caawiyo dardar gelinta Dastuurka, iyo Qaabeyntiisa. si looga gudbo sharciyada is burinayo oo Qal-Qal gelinayo Qaranimadeena. Waa in Maamulada goballada Nabdoon iyo magaalooyin ka waa weyn amaankooda la adkeeyo Shacabka degan na ID iyo tirakoob loo sameeyo. si ay howsha u sahlanaayo, Hadii uu Dhab yahay Qorshaha Dowladda iyo Beesha caalamka ee ku aadan ONE man ONE VOTE 2016. Gudiga doorashooyinka Qaranka.ee la dhisidoono waa in howsha loo sii sahlo.

Waxaan Baaq u direynaa Muwaadiniin ta soomaaliyeed ee la shaqeynayo Hayadaha caalamiga ay ilaaliyaan Qaranimadda soomaaliyeed iyo Anshaxa shaqaalenimo ee Qaramada midooney UN ka. oo ay arrimaha Dalka ay dhex-dhexaad ka ahaadaan. Koley Dowladda ayey u taalaa sida ugu haboon ay ula macaamileyso Dadka Spoilers ka ah ee uu Dalka ka Hagaagi la yahay..

Waxaan u Rajeyneynaa ummadda soomaaliyeed, Dowladda , Baarlamaanka, Madaxda Dalka iyo Beesha caalamka ba isfahan iyo guul. Dalka Sharci iyo Kala dambeyn ayuu u baahan yahay.

BY 1. Mudane Ismail xeefoow.
2. Mohamed abdi.
3. Maxamuud cabdi ( ingiriis)
4. Xassan maxamed.

- Advertisement -

Read more

Local News