Sawirro: Wasiirada la ansaxiyey ee GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Maamulka Galmudug, ayaa sheegaya in kulan goordhow ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ay cod aqlabiyad leh ku ansaxiyen Golaha Wasiirada cusub ee Maamulkaasi.

Kulanka Xildhibaanada ayaa lasoo warinayaa inuu shir gudoominaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casiir, isaga oo khudbad dheer kadib ku dhawaaqay codeynta oo aheyd mid gacantaag ah.

Waxaa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa ku-xigeenada gudoomiyaha oo iyaguna sheeda kala socday Codeynta.

Xildhibaanada kulanka xaadirtay ayaa waxa ay ahaayen 69 xubnood, 66 ka mid ah waxay Golaha ugu codeeyen inay sharci yihiin.

Codeynta kadib Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casiir, ayaa ku dhawaaqay in cod aqlabiyad leh uu Baarlamaanka Galmudug ku meelmariyay Golaha Wasiirada cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Maamulka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna codeynta kadib u mahad celiyay Xildhibaanada islamarkaana Wasiirada cusub ugu baaqay in si hufan ay waajibkooda u gutaan.

Dhanka kale, Mr Guulleed waxa uu fadhiga ka sheegay inuu soo dhaweeynaayo Xildhibaanada aragtiyada kala duwan oo ay ka bixiyeen magacaabida Wasiirada cusub.
1

2

3

4

5

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com