Xog: Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay haddal ka careysiiyay Axmed Madobe & dowladda Ethiopia

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee DF Somalia ayaa ka hadlay loolanka kala dhexeeya Maamulka Jubbaland ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Axmed Madoobe.

Kaliil ayaa sheegay in Gobolka Gedo uu weli ka arrimiyo Maamulkiisa waxa uuna si cad u beeniyay wararka la xiriira in Axmed Madoobe uu ka taliyo Gobolka Gedo.

Waxa uu tilmaamay Kaliil in Maamulka la sheegaayo inuu magacaabay Axmed Madoobe uu yahay mid salka ku haya rag iska dhicin balse xaqiiqda jirta ay tahay Maamulkiisa oo kaliya inuu ka jiro Gobolka Gedo.

Kaliil waxa uu sheegay in Gobolka Gedo iyo Gobolada hoostaga aysan ka shaqeynkarin cid uusan isaga magacaabin waxa uuna cadeeyay in Maamulkiisa uu yahay mid ka tayo badan kan Ethiopia iyo Axmed Madoobe ay isla dhoodhooben.

Sidoo kale, Mr Kaliil ayaa carabka ku adkeeyay in uu tagi doono degmada Baardheere iyo sidoo kale degmooyinka kale ee Gobolka Gedo oo uu maalmo ka hor u magacaabay Gudoomiyayaal cusub.

Waxa uu meesha ka saaray wararka la xiriira in Maamulkiisa uusan garab ka heysan dhanka DF Somalia wuxuuna cadeeyay in DF Somalia ay taageero la dabataagan tahay islamarkaana ay Dowladu adeecsan tahay jiritaanka Maamulkiisa.

Geesta kale, wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada Kenya ee gobolkaas aanu wax taageer aan ka ahayn iskaashi dhanka nabad gelyada ah aysan ka helin.

Haddalka Max’ed Cabdi kaliil ayaa imaanaya xilli maamulka KMG ah ee Jubba uu dhawaan maamul cusub u Magacaabay gobolkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com